Wasiirada Soomaaliya qaarkood maka maarannaa?

Waxaa dalkaan ka hirgalay nidaam system cusub oo adduunka ay yartahay meel uu ka jiro.  Waxaa la magacaabaa Wasiiro aan badankoodu aqaanin howsha ay u xilsaaran yihiin iyo xuduuda ay ku egtahay awoodooda.  Bal aan ka bilawno arrinta maalmahaan aad loo hadal haayo oo ah Wasiirada Ganacsiga oo soo saartay ammar lagu kala diraayo RUGTA GANACSIGA (Chamber of Commerce). Waxaa wasiirada ka hoos baxcday in dalka ka jiri jirtay ”Camera di Commercio industriale, agricultura e Artigianato” waxayna ahayd heyad ka madax banana dowladda oo ay ku midoobeen ganacasato waaweyn oo aqoon gaar ah u lahaa sida loola macaamilo adduunka..Waxay ka qayb geli jireen carwadaha ganacsi ee adduunka oo dhan, siiba Talyaaniga oo cilaaqaad gaar ah nagala dhexeesay haba ugu weynaado Fiera di Milano oo Somaliya aysan weligeed ka baaqan. Arrimahaan wax dowlad ah shaqo kuma lahayn.

Waa nasiib darro in wasiirada Ganacsiga ay mooday in cidii sidata magac ganacsi ay wasaaradda hoos timaado.  Looma sheegin shaqadeeda ama howsha ay wasaaradu u xilsaaran tahay (job description).  Ma aha kaligeed wasiirada shaqada loo igmaday aan fikrad ka heysan.  Waxaa soo baxay in wasiir shaqada ku cusub uu xilka ka qaado Agaasimaha Guud ee wasaarada isagoon wax sabab maqcuul ah cuskan.  Bal halla weydiiyo Wasiirka Warfaafinta Injineer Yariisow sababta uu xilki uga qaaday agaasimihi guud ee wasaaradda Mr Bahlaawi oo shaqadaas haayay muddo dheer una leh khibrad howsha wasaaradda.

Wasaaradi waxbarashada waxaa la ruqseeyay agaasimihi guud sabab ama dembi lagu eedeeyayna ma muuqato balse waxay u egtahaya in wasiirki yimaada uu wuxuu doono ka sameyn karo wasaaradda. Shaqada agaasimaha guud ee wasaarada waa qofka howlaha oo dhan fulintooda u xilsaaran, qaybaha & waaxyaha wasaarada oo dhanna isaga ayey hoos yimaadiin maadaama uu u xilsaaran yahay fulinta shaqooyinka oo dhan     ( overall executive manager).  U maleyn maayo inay wsaaradaha qaarkood dadka loo magacaabay ay fikrad ka heystaan ..wasiirada waxay ku joogaan awood qaybsi qabiil oo booska jufadaa iska leh ciddi ay doonaan waa ruqsey karaan iyagoon waxba uu aaba yeeli…waa yaab!!! Ma jiri karaa wasiir yaqaanna shaqada laga qabto meesha iyo awoodiisu inta ay la egtahay. Waxaa arrinta sii xumeeyay inuusan R/Wasaare Kheyre iyo M/Weyne Farmaajo uusan midkoodna ka hadal gabood fallada ay ku kacaayaan dadka loo magacaabo xilalka dowladda badankooda.

KHALADAADKA & GEFAFKA MAAMULKA

Waxa khaladaad dhacaya oo dhan ma khuseyso R/Wasaaraha iyo Madaxweynaha waxayna caadeysteen inaysan marna ka hadlin ama isku dayin inay xalliyaan dhibaatada shaqo ee jirta oo dadki oo dhan ay farqaha is-heystaan…yaa laga sugaayaa inay xalliyaan dhibaatooyinka sii kordhaaya ee dalka ka jira.

Bal jawaab u hela sababta looga qaaday jagadi Madaxweynihi Hirshabeelle, waa maxaay eedeynta iyo dembiga uu ku weyn karo jagadaas?  Mase madaxdweynayaasha kale ee gobollada la mid ma ahan miyaa? Aniga Cali Cosoble ma aqaanno asagana ima yaqaan, waxaanse ka hadlaa inaysan meesha dowlad awood leh ka jirin oo qof waliba wuxuu doono sameyn karo, iyadoo aysan aqaanin Madaxda dalka cawaaqib xumada ka imaa karta dhaqankooda ku saleysan ISKA AAMUS. Dhibaatada ka soo socota burburka Hirshabeelle waa mid aad u baaxad weyn oo meelo badan laga dareemi doono, sida aan filaayo!!!

K  A F T A N

Runtii waa arrin loo baahnaa in laga xishoodo in Madaxda dowladda ay ku lebistaan JAAKO IYO GARAWAATI markey u tegaayaan dadka qaxootiga ku ah dalka gudihiisa oo aad u tabaaleysan, qaarkood aan dhar ku filan heysan, caruur wada qaawan iyo waayeel wax ay xirtaan weysan, inaad u tagtiin adinkoo jaako iyo garawati sita siiba xilliyadi kuleylka xun uu ka jiray gobolada dalka oo dhan…war dadka ka xishooda oo qaddiriya duruufta ay ku sugan yihiin una muujiya dadka inaad tihiin Madax dareensan xaalada dadka iyo dulku ku sugan yihiin.

Anigu kama soo horjeedo in jaako iyo garawaati la qaato waxayse ku fiicnaan lahayd in la garto xilliyada iyo munaasabadaha la qaadan karo lebiska noocaas ah..mase jaakada iyo garawaatiga waxay la socdaan doolarka?

W/Q: Axmad Calasow

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.