25.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Mareykanka oo 5 maalin oo xiriir ah Somalia ka sameeyey…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) — Mareykanka ayaa si degdeg ah u kordhiyey duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya, kadib muddo ka badan bil oo aysan jirin weerarro cirka ah oo si rasmi ah loogu dhawaaqay, taas oo muujineysa in Washington ay sare u qaadayso howl-galladeeda militari ee ka dhanka ah kooxaha jihaadiga ah ee ka dagaalama Geeska Afrika.

Taliska Mareykanka ee Afrika, AFRICOM, ayaa shaaciyey in ciidamada Mareykanka ay shan maalmood gudahood, intii u dhexeysay 14-ka illaa 19-ka June, fuliyeen duqeymo xiriir ah oo lala beegsaday Al-Shabaab, kuwaas oo dhammaantood lagu sheegay inay ka dhaceen koonfurta Soomaaliya, islamarkaana lagu fuliyey wadashaqeyn lala yeeshay dowladda federaalka Soomaaliya.

Weerarrada ayaa ka dhacay dhowr goobood oo kala duwan. AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyn dhacday 14-kii June ay ka dhacday deegaanka Kurtunwaarey oo qiyaastii 117 kiilomitir koonfur-galbeed kaga beegan Muqdisho. Maalintii xigtay iyo 16-kii June, duqeymo kale ayaa lagu qaaday aagga Route 109, oo ku dhow 73 kiilomitir waqooyi-galbeed uga beegan garoonka diyaaradaha ee Kismaayo.

18-kii June, weerar kale ayaa lagu beegsaday gobolka Jubbada Hoose, meel qiyaastii 76 kiilomitir waqooyi-galbeed kaga beegan Kismaayo, halka 19-kii June duqeyn kale laga fuliyey Welmaro, oo ku taalla qiyaastii 103 kiilomitir waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo.

AFRICOM ayaa qoraallo isku dhow ku sheegtay in duqeymahan ay qeyb ka yihiin dadaal lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab ee ay ku halis gelin karto ciidamada Mareykanka, muwaadiniinta Mareykanka ee dibadda jooga iyo saaxiibbada Washington.

“AFRICOM, iyadoo garab taagan dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, waxay sii wadaysaa tallaabooyinka lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab ee ay ku halis gelin karto ciidamada Mareykanka iyo muwaadiniinteena dibadda ku sugan,” ayuu talisku ku yiri mid ka mid ah bayaannadiisa.

Taliska ayaa intaas ku daray in aysan shaacin doonin faahfaahin ku saabsan cutubyada iyo agabka loo adeegsaday howl-gallada, sababo la xiriira “ammaanka howl-gallada socda”.

AFRICOM ma aysan shaacin khasaaraha ka dhashay duqeymahaas, kuwaas oo ahaa kuwii ugu horreeyey ee si rasmi ah Mareykanku uga dhawaaqo Soomaaliya tan iyo 6-dii May, markaas oo duqeyn lagu qaaday garabka kooxda Daacish ee Soomaaliya, gaar ahaan buuraha Golis ee koonfur-bari kaga beegan Boosaaso.

AFRICOM oo beenisay hakad

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa beeniyey in muddadii duqeymaha la waayey ay ahayd hakad ku yimid howl-gallada. AFRICOM ayaa wargeyska Stars and Stripes u sheegtay in duqeymaheedu ku dhisan yihiin xog iyo natiijooyin la beegsanayo.

“Weerarradeennu waa kuwo ku saleysan xog, natiijana laga doonayo,” ayuu talisku yiri. “Waxaan diiradda saarnaa inaan ka faa’iideysanno fursad kasta oo aan ku helno dadaallada la-dagaallanka argagixisada.”

AFRICOM ayaa sheegtay in duqeymaha ay ujeeddadoodu tahay taageeridda ciidamada Soomaaliya, kuwaas oo weli si weyn ugu tiirsan saaxiibbada caalamiga ah marka ay timaaddo awoodda cirka, sirdoonka iyo tababarrada gaarka ah.

“Soomaaliya waxay sii wadday dadaalladeeda ka dhanka ah xubnaha argagixisada ee dalkooda ku sugan, waxayna awoodday inay meesha ka saarto hoggaan sare oo ka tirsan Al-Shabaab,” ayuu yiri talisku.

Saraakiil Soomaali ah ayaa u sheegay Somalia Today in howl-gallada June ay ku jireen dhaq-dhaqaaqyo dhulka ah oo ay fuliyeen ciidamada Soomaaliya, oo ay ku jiraan kumaandooska Danab, oo ah cutub gaar ah oo Mareykanku tababaray, iyo ciidamo ka tirsan Jubbaland.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada Danab ay 14 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ku dileen Kurtunwaarey. Si kastaba, warar maxalli ah oo ka yimid deegaanka ayaa sheegay in ay jireen khasaare rayid ah, iyadoo dhinacyaduna ay bixiyeen sheegashooyin is khilaafsan. Lama helin ilo madax-bannaan oo xaqiijin kara tirada khasaaraha.

Al-Shabaab ayaa inta badan beenisa khasaaraha ay dowladdu sheegto, waxayna ku eedeysaa ciidamada dowladda iyo saaxiibbadooda in howl-galladoodu ay waxyeello u geystaan shacabka. Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa Al-Shabaab ku eedeysa inay adeegsato goobaha rayidka ah si ay ugu dhuumato dagaalyahannadeeda ugana qorsheyso weerarro.

Duqeymo sanadkan xawaare ku socda

Weerarradii ugu dambeeyey ayaa tirada duqeymaha uu AFRICOM si rasmi ah uga dhawaaqay Soomaaliya sanadkan ka dhigaya 68 weerar, kuwaas oo lala beegsaday Al-Shabaab iyo garabka Daacish ee Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah.

Tiradaas ayaa muujineysa in ololaha militari ee Mareykanka ee Soomaaliya uu sanadkan ku socdo xawaare ka sarreeya kuwii hore. Sanadkii 2025, Mareykanka ayaa Soomaaliya ka fuliyey ku dhowaad 125 duqeyn, xilli maamulka Donald Trump uu si weyn u ballaariyey howl-gallada cirka kadib muddo uu hoos u dhacay xilligii madaxweyne Joe Biden.

Tirada ugu badan ee duqeymo ah ee AFRICOM hore uga fuliyey Soomaaliya waxay ahayd 63 weerar sanadkii 2019, taas oo ka dhigan in heerka haatan socda uu ka mid yahay kuwii ugu sarreeyey ee la diiwaangeliyo.

Kordhinta duqeymaha ayaa timid kadib amar ka soo baxay xoghayaha difaaca Mareykanka Pete Hegseth, kaas oo saraakiisha AFRICOM siiyey awood ballaaran oo ay ku ansixin karaan duqeymaha, sida ay sheegeen warbixinno militari oo Mareykan ah.

Hegseth, oo horraantii 2025 ka hadlayey duqeymo lala beegsaday Daacish-ta Soomaaliya, ayaa sheegay in Washington “mar walba diyaar u tahay inay hesho oo ay ciribtirto argagixisada halista ku ah Mareykanka iyo xulafadiisa”.

Su’aalo ka dhashay hufnaanta  

Ballaarinta duqeymaha ayaa mar kale dhalisay su’aalo la xiriira hufnaanta howl-gallada iyo khasaaraha shacabka.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha iyo kuwa kormeera colaadaha ayaa muddo dheer ku dhaliilayey AFRICOM inay bixiso macluumaad kooban oo ku saabsan bartilmaameedyada iyo khasaaraha ka dhasha duqeymaha.

Baaritaan uu bishan daabacay wargeyska The Guardian ayaa sheegay in dad rayid ah, oo ay ku jiraan carruur, ay ku dhinteen duqeyn Mareykanku November 2025 ka fuliyey Jamaame. Saraakiisha Mareykanka si cad uma aysan aqbalin eedeymahaas.

“Haddii ujeeddadu tahay in la burburiyo Al-Shabaab, waxaa si cad u muuqata in duqeymahan aysan si gaar ah waxtar u lahayn,” ayuu David Sterman, oo ah falanqeeye ka tirsan xarunta New America, u sheegay wargeyska.

Saraakiisha Mareykanka ayaa ku doodaya in duqeymuhu ay qeyb ka yihiin dadaal ballaaran oo looga hortagayo in Al-Shabaab iyo Daacish-ta Soomaaliya ay halis geliyaan muwaadiniinta Mareykanka, ciidamada Soomaaliya iyo xulafada gobolka.

Al-Shabaab ayaa ku dhowaad labaatan sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya ee ay caalamku taageeraan, waxayna weli ka mid tahay faracyada ugu awoodda badan ee Al-Qaacida. Kooxda ayaa saameyn ku leh deegaano badan oo miyiga koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ah, waxayna fulisaa qaraxyo, dilal qorsheysan iyo weerarro culus oo isku dhafan.

Kooxda ayaa sidoo kale weerartay bartilmaameedyo xiriir la leh Mareykanka, oo ay ku jirto weerarkii 2020 ka dhacay deegaanka Manda Bay ee Kenya, kaas oo lagu dilay saddex Mareykan ah.

Dhanka kale, Washington ayaa xoojineysa joogitaankeeda gobolka. Mareykanka ayaa sanadkan bilaabay mashruuc lagu dayactirayo garoonka diyaaradaha ee Manda Bay, kaas oo ku kacaya 70 milyan oo dollar, isla markaana muhiim u ah howl-gallada Geeska Afrika.

Sidoo kale, cutubyada howl-gallada gaarka ah ee Mareykanka ee Soomaaliya ayaa raadinaya la-taliyeyaal ka caawiya fahamka dhaqanka, siyaasadda, taariikhda, caadooyinka deegaanka iyo isku xirnaanta beelaha, si ay ciidamadu si dhow ugu fahmaan duruufaha gudaha.

Hase yeeshee, falanqeeyayaal ayaa sheegaya in duqeymo cirka ah oo keliya aysan jabin karin Al-Shabaab, haddii ciidamada Soomaaliya aysan awoodin inay haystaan dhulka ay dib u qabsadaan, isla markaana aan xal loo helin khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada, gaar ahaan Jubbaland oo ay ka dhaceen qayb weyn oo ka mid ah dagaalladii ugu dambeeyey.

- Advertisement -

Read more

Local News