26.7 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

KENYA oo mar kale war xasaasi ah kasoo saartay madax bannaanida Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa mar kale ku celisay inay si buuxda u aqoonsan tahay madax bannaanida Soomaaliya, waxaana meesha ay ka saartay wararka sheegaya inay waddo dhaq-dhaqaaq ka dhan ah Soomaaliya, kadib xiriirkeeda Somaliand.

Wasiirka Caafimaadka dalka Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale ayaa hadalkan ka dhawaajiyay, xilli uu Sabtidii ka qayb-galayay xuska sanad guuradii 65-aad ee Xorriyadda Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee caasimada dalkaasi.

Aadan Barre Ducaale ayaa si weyn carrabka ugu adkeeyay in Kenya ay si buuxda u garab taagan tahay Soomaaliya, isla markaana ay ka go’an tahay ilaalinta madax-bannaanideeda.

Sidoo kale wuxuu bogaadiyay dadaalka Dowladda Federaalka ee ku aadan nabadda iyo xasilloonida gobolka, isaga oo u rajeeyay inay mar uun ka adkaan doonto argagixisada,

“Waxaan si buuxda u aqoonsannahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana taageersanahay dhammaan dadaallada lagu xoojinayo nabadda gobolka iyada oo loo marayo diblomaasiyad iyo iskaashi. Kenya waxay bogaadinaysaa dadaalka Soomaaliya, gaar ahaan qorshaha kala guurka ah ee ATMIS ilaa AUSSOM.” ayuu yiri Aadan Barre.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in xukuumadda Nairobi ay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka kala dhexeeya Muqdisho, maadaama ay wadaagaan xuduud dheer, ayna leeyihiin xiriir iskaashi oo dheef-wadaag ah.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in Kenya ay diyaar u tahay in lasii ballaariyo iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga labada dal, si ay u kala faa’iidaan labada shacab.

“Xilli Soomaaliya ay u dabaal-degto guushan taariikhiga ah, waxaan muujiyay diyaar-garowga Kenya ee ku aaddan iskaashi ku saabsan horumarinta dhaqaalaha badda (Blue Economy), xoojinta xiriirka dadweynaha, iyo wadajirkeena ku aaddan hormarinta nabadda, la-dagaallanka isbeddelka cimilada, iyo horumar waara — heer gobol iyo caalami ahba,” ayuu mar kale yiri Ducaale.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maalmihii dambe uu sii xoogeysanayay xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya Kenya iyo Somaliland, waxaana arrintaan ay keentay in todobaadkan ay Somaliland magacowday ‘safiir u fadhin doona gudaha magaalada Nairobi’.

Si kastaba ha’ahaatee, Magacaabistiisa ayaa timid ku dhowaad bil kadib markii madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uu booqasho ku tagay dalka Kenya, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay madax kala duwan oo uu ku jiro Madaxweyne William Ruto.

- Advertisement -

Read more

Local News