Kenya oo qaaday tallaabo adag oo kaga aargudaneyso go’aankii kasoo baxay UK

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa durtaba qaaday tallaabo ka dhan ah go’aankii ay dowladda UK ugu dartay liiska Cas ee dalalka uu sida weyn u saameyay ee aan u safri karin dalkaas, laga bilaabo 9-ka bishan March.

Kenya oo daba-socota go’aanka UK ayaa ku dhawaaqday in muwaadiniinta sidata dhalashada Ingiriiska iyo rakaabka soo mara dalkaas ee imanaya Kenya ay karantiili doonto muddo ku siman 14-maalmood.

Go’aanka kasoo baxay xukuumadda Nairobi ayaa dhigaya ‘in muwaadiniinta UK iyo dadka kusoo dhex safra ay iyaga isku qabi doonaan kharashka hoteelka iyo goobaha lagu karantiilayo’, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda Kenya.

Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa sheegtay in go’aankaan cusub uusan qabaneyn dadka Kenyanka ah iyo kuwa haysta deganaanshaha dalkeeda ee kasoo safraya UK, taasi oo ka dhigan inuu yahay go’aan lagaga aargudanayo go’aankii UK.

Dowladda Kenya ayaa si weyn uga carootay in dowladda UK ku darto liiska cas ee xayiraada socdaalka, kaasi oo ay ku jiraan dalal badan oo lasoo warinayo inuu sarre u kacay cudurka Coronavirus.

Go’aanka UK ee dhanka socdaalka ayaa waxa uu dhaqan galayaa 9-ka bisha April oo ku beegan maalinta Jimcaha, waxaana gebi ahaanba meesha ka baxeysa duulimaadka in ka badan 500-qof oo Toddobaad kasta ka dhoofi jirey Kenya, iyagoo ku sii jeeda dalka Britain.