Kenya oo qorshaheeda xiga shaacisay kadib markii dib loo dhigay kiiska badda

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday qorshaheeda xiga ee kiiska dacwada badda Soomaaliya, kadib markii maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ay dib u dhigtay illaa 4-ta November.

Wasiirka arrimaha dibedda Kenya, Monica Juma ayaa sheegtay in Kenya ay ku dadaali doonto in ka hor maxkamadda ay Soomaaliya la gaarto heshiis ka baxsan maxkamadda.

“Arrinta maaha wax caddaan iyo madow ah. Xal kasta oo waara waa inuu noqda amid laba dhinac ah. Waxaan doorbideynaa heshiis laga wada-xaajoodo” ayey tiri Monica Juma.

Hadalka Juma ayaa qeyb ka mid ah loo fasirtay in Kenya ay u aragto go’aanka maxkamadda mid hal dhinac ah oo Soomaaliya kaliya ay dooneyso, sidaas darteedna jumladda ah “Xal kasta oo waara waa inuu noqda amid laba dhinac ah” ay tahay hanjabaad ah inaysan aqbali doonin go’aanka ICJ.

Toddobaadkii tagay, maxkamadda ICJ ayaa aqbashay codsiga Kenya ee ahaa in kiiska dib loo dhigo, hase yeeshee waxay diiday waqtigii ay Kenya dooneysay ee ahaa sanadkan waxayna ogolaata kaliya laba bil.

Warka cusub ee maanta kasoo baxay Kenya ee ah inay isku dayeyso in xal laga gaaro kiiska ka hor maxkamadda, ayaa caddeyn u ah tuhunkii horey loo qabaa ee ahaa in qiilkii Kenya ay ku codsatay dib u dhigista ee ahaa inay qoraneyso qareeno cusub, uu ahaa mid aan jirin, balse ay dooneysay kaliya waqti dheeri ah oo ay ku cadaadiso Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com