25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Xukuumadda Kenya ‘oo ka badbaaday isku day afgambi’ – Sidee ayee wax u dhaceen?

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Kipchumba Murkomen oo si adag u cambaareeyay mudaharaadyadii rabshadaha watay ee ka dhacay dalkaasi ayaa sheegay in ay mudaharaadayaashu damacsanaayeen inay afgambiyaan dowladda.

Murkomen ayaa sheegay in dibadbaxayaashu ay isku dayeen inay si xoog ah u galaan dhismayaasha baarlamaanka iyo madaxtooyada, isagoo ku tilmaamay mudaharaadyada kuwo aan ahayn cabasho nabadeed, balse ay ahaayeen falal abaabulan oo lagu doonayay in lagu burburiyo nidaamka dowliga ah.

Waxa uu sheegay in dadka abaabulay mudaharaadyadaasi ay yihiin “dambiilayaal qaswadayaal ah” kuwaas oo qaaday tallaabooyin u eg falal argagixiso.

Wasiirka Murkomen ayaa tilmaamay in rabshadahaasi ay sababeen bililiqo, kufsi iyo burbur hantiyeed oo la gaarsiiyay dad rayid ah, taasoo dowladda ku qasabtay inay si adag uga hortagto wax kasta oo carqaladeynaya xasiloonida dalka. Waxa uu xusay in dowladdu aanay u dulqaadan doonin wax kasta oo khatar ku ah jiritaanka dowladnimo.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in ugu yaraan 10 qof ay ku dhinteen rabshadihii Arbacadii, balse hay’adda Amnesty Kenya ayaa sheegtay in tirada dhimashadu ay tahay 16, iyadoo xustay in dadkani ay u dhinteen rasaas ay booliisku si toos ah madaxa ugu fureen.

Dhinaca kale, hoggaamiyayaasha mucaaradka ayaa dhankooda beeniyay eedeynta dowladda, iyagoo ku tilmaamay inay tahay marmarsiiyo lagu leexinayo dareenka shacabka ee kasoo horjeeda xukuumadda. Waxay sheegeen in mudaharaadyada oo hoggaaminayaan dhalinyartu ka dhasheen cadaadiska bulshadu ka wajaheyso dowladda, kuwaas oo aan helin cod lagu dhageysto.

Dibadbaxyadan ayaa markii hore loo qorsheeyay in lagu xuso sanad-guuradii kacdoonkii canshuur diidka ahaa ee sanadkii hore, balse waxaa sii huriyay dilkii dhawaan loo geystay Albert Ojwang, oo ahaa blogger dhallinyaro ah. Geeridiisa oo la sheegay in booliisku ku dileen isagoo xiran ayaa kicisay dareen xooggan oo sababay mudaharaadyo baahsan.

Magaalada Nairobi ayaa waxaa la arkayay dhismayaal gubtay iyo ganacsato isku dayaya inay nadiifiyaan burburkii ka dhashay rabshadaha, iyadoo falal lagu tilmaamay bililiqo ay ka dhaceen goobo ganacsi oo badan.

- Advertisement -

Read more

Local News