Kenya oo soo celisay amar qatar ku ah Soomaali badan oo ku nool dalkeeda

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa amar ku siisay Soomaalida ku nool magaalooyinka dalkeeda in ay tagaan xeryaha qoxootiga Kaakuma iyo Dhadhaab.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha Kenya, oo la hadlay laanta sawaaxiliga ee BBC-da ayaa sheegay in tallaabadan ay daba socoto falal ammaan dari ah oo ka dhacay Kenya dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, waxaana ugu dambeeyay weerarkii Axaddii dableey wajiga soo xirtay ay ku qaaday kaniisad ku taalla magaalada Mombasa.

Weerarkaas waxaa ku dhintay ilaa shan qof, waxaa kaloo ka horreeyay qarraxyo lagu qabtay isla magaaladaas.

Kenya ayaa sheegtay in ay ka walwalsan tahay kooxo xiriir la leh maleeshiyada Al-Shabaad ee dalka Soomaaliya, kuwaasoo weerarro dhowr ah ka fuliyay dalkan Kenya.

Weerarkii ugu cuslaa ee Kenya lagu qaaday ayaa ahaa kii ka dhacay xarunta ganacsiga ee Westgate ee Nairobi bishii September.

Sarkaalka u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha Kenya ayaa sheegay in la xoojin doono howgallada lagu baadigoobayo kooxaha falalka ammaan darida ka wada dalka Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com