Baydhabo oo maalintii 4-aad kacsan & warar dheeri ah oo laga helay xaalka

Baydhabo (Caasimada Online) – War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in markale saakay dibadbaxyo rabshado wata ay ka socdaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Dad u badan carruur iyo haween ayaa lagu arkayaa waddooyinka waaweyn ee magaalada gaar ahaan hotelka uu deggan yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xildhibaanno la socda.

Sidda uu soo sheegay wariyaah Caasimada Online ee Baydhabo, qaar ka mid ah dadka ayaa ku dhawaaqaya hadalo culus oo ay ka mid tahay “Shariif Xasan banaanka ha u soo baxo maraqiisa ayaan cabeenaa iyo waa qaa’inu waddan calooshiis u shaqeyste ah”.

Xiisada ka taagan Baydhabo waxaa laga cabsi qabaa in ay isku badasho gacan ka hadal iyo dagaallo lagu hoobto siddaas waxaa leh dadka wax odorosa.

dibad bax

Dhinaca kale, waxaa isbitaalka guud ee Baydjabo ku geeriyooday wiil 16-jir ah oo ku dhaawacmay shaley rasaas ay fureen ilaalada Shariif Xasan Sheekh xilli ay dad careesan ku qamaameen hooyga uu deggan yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Si kastaba, waxaa muuqata in labada dhinac ee isku haya Baydhabo in mid kasta uu taagan go’aan aan la isku soo dhaween karin, waxaana muuqan waanwaan ku aadan siddii loo qaboojin lahaa xiisada ka taagan Baydhabo.

Waxaa dalka ka maqan madaxda dowladda sidda madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha kuwaasoo ku kala maqan dalalka Kuwait iyo Uganda, halkaasoo shirar caalami ah ay uga qayb galayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com