Kenya oo war cusub oo yaab leh kasoo saartay la bixida ciidamadeeda ee Somalia

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa markii u horeysay sheegtay inaysan wax shaqo ah ku laheyn go’aanla xiliga ay ciidamadeedu ka baxayaan dalka Soomaaliya, taasi oo meesha ka saareysa qorsheyaal muddooyinkii dambe la hadal hayey.

Kenya ayaa ka dhawaajisay in rabitaanka Nairobi ama Muqdisho aysan ku bixi karin ciidamada AMISOM, balse ay midaasi go’aamin karto oo keliya heshiisyada caalamiga ah ee la saxiixay.

Heshiis ay saxiixeen guddiga howl-galada ee loo soo gaabiyo MOCC ayaa waxa lagu xadiday ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya, kaasi oo ay si wada-jir ah u saxiixeen sanadkii 2018-kii.

Guddigaasi oo xiligaasi ka koobnaa mas’uuliyiinta ka socotay booliiska dalalka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya iyo militariga, dowladda federaalka, Qaramada Midoobay, beesha caalamka iyo guddiga nabadda iyo amniga midowga Afrika.

Wuxuuna heshiiskaasi dhigayey in lagu dhaqan geliyo 3-weji, kaasi oo arrimaha ugu waaweyn ee ku jirayna ay farta ku fiiqayeen la-dagaalanka Al-shabaab iyo isu-furidda waddooyinka waaweyn ee dalka oo muhiimad gaar ah la siinayey, taasi oo la sheego inay ka hartay qabashada Jilib.

Waxaa hadda isa soo taraya dhawaaqyada ka imanaya dowladda Kenya ee ku aadan inay ciidamadoodu sii joogi doonaan Soomaaliya, xili uu dhawaan shacabka Kenya u sheegay madaxweynahoodu, Uhuru Kenyatta in ciidamadoodu ay sii joogayaan ilaa inta nabad buuxda ka dhalaneyso Soomaaliya.

Haddana midaasi kama dhigna sida falanqeeyayaashu ku doodayan mid dowladda Kenya ku riixi karta inay ka tallaabsato heshiiska Qaramada Midoobey ee ay xubinta ka tahay, maadama ay ku andacooneyso in UN-ka uu ka go’aan gaari karo saarista ciidamadeeda.

Si-kastaba, ilaa hadda si dhab ah uma cad in guddigii hore u saxiixay heshiiskaasi ay wax ka badel ku sameyn doonaan qorshaha sanad kadib ay AMISOM ku macasalaameyn doonto Soomaaliya iyo inkale.