Kenya oo war ka soo saartay doorashadii Jubbaland

Nairobi (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Kenya ayaa war ka soo saartay doorashadii Jubbaland ee shalay ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Kenya ayaa marka hore hambalyo u dirtay madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay wasaaradda ayaa loogu baaqay dowladda dhexe in ay la shaqeyso maamulka Jubbaland, islamarkaana khilaafka jira lagu dhammeeyo wada-hadal.

Ugu dambeyn warkan ayaa lagu sheegay in Kenya ay la shaqeyneyso maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Kenya ayaa door muuqda ku laheyd doorashada Jubbaland, iyadoo taageereysay madaxweynaha dib loo doortay ee maamulkaasi.

Dowladda federaalka ayaa qaadacday natiijada doorashadaasi, kadib qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somalia.

Halkan hoose ka aqriso: 

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com