Taariikhda Cumar Finish iyo waxa laga filan karo (Faallo)

Nabad iyo nalol waxay ka taqluuseysaa dhamaan dadkii hore ee waaya araga ahaa, sida kuwa haaya xilalka siyaasadda, taliyeyaasha ciidamada iyo madaxda shaqaalaha rayidka ah. Waxay doonayaan dhalinyaro la saan qaadi kara tilmaamahooda iyo tusaalooyinkooda.

Ciidamada qalabka sida qeybahooda kala duwan waxaa xilalkooda loo kala magacaabay saraakiil dhalinyaro ah ee curdan ah, sidaasi si la mid ahna dhalinyarada waxaa la doonayaa inay ka dhex muuqdaan xilalka sare ee dowladda.

Golaha wasiirada iyo badi xubnaha baarlamaanka ee labada gole ka kooban waxaa ka mid ah mas’uuliyiin aan faham ka haysan dowladnimada, dib u heshiisiinta iyo nuxurka macnaha qaranimo.

4.5 waa saldhiga qaribaada qaranka oo lagu sii xoojiyay ashqaas aan waaya arag aheyn.

Magaalada Muqdisho oo ah xarunta ugu weyn ee Somalia, ahna tiirka siyaasadda, dhaqaalaha iyo maamulka dowladda ayaa waxaa buux dhaafiyay dad badan oo dhalinyaro ah oo aan haba yaraadee aan laheyn waayo aragnimo loo tixgelin karo xilalka ay ku magacaaban yhiin, waxayna dhamaantood ku joogaan naasnuujin, masuqmaasuq iyo nin jecleysi.

Cumar Finish ayaa waxaa laga dhigay guddoomiyaha gobolka iyo duqa magaalada. wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho isaga iyo waalidiintiisaba. Dadka uu ku abtirsadana ee Muddullood waa deegaanka loo tiriyo. Wuxuu leeyahay oo uu ku barbaaray dhaqanka deegaanka Xamar, waxbarashadiisii ilaa dugsiga sarena wuxuu ku qaatay Muqdisho, wuxuuna ka aflaxay dugsiga sare ee Jamaal C/naasir 1987-dii isagoo soo maray shaqooyinkii qaranka.

Waa qof maskax iyo fahmo furan, laakiin ku caqliyeystay burburkii wadanka. 1991-kii wuxuu madax ka noqday maliishiyo la magacbaxday Xumaan Diid oo uu aasaasay Al-Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow.

Maliishiyadaas waxay la dagaali jirtay waxkasta oo anshaxa ka baxsan ee deegaankaas. Maliishiyadii uu ka mid ahaa wey ka madax bannaaneed awoodihii ka jiray Waqooyiga Xamar, waxay difaac iyo taakulo u aheyd deegaankii Barmuudo loo jiray.

Cumar markii danbe wuxuu noqday taliyihii maliishiyadii Makka iyo Madiina, muddo kadib isaga iyo Xaaji Muuse waxay isla aas-aaseen illo dhaqaale oo muhiim ah sidii garoonkii diyaaradeed ee Jaziira iyo dekad macbil ah oo isla deegaankaas ay ka sameeyeen, illahaasi dhaqaale waxay ishii u furtay Xamartii cakirneyd, waxayna aheyd goob ay indhaha ku wada qabteen qabqableyaashii magaalada Muqdisho ka jiray, deegaanka Xaaji Muuse waxaa laga daremay kobac iyo horumar dhaqaale.

Qab-qableyaashii dagaalka ee ay ka mid ahaayeen Cusmaan Caato iyo Qanyare ayaa waxay ku guuleysteen inay kasoo gooyaan awoodihii Muuse Suudi iyagoo ujeedadoodu aheyd inay burburiyaan amaankii iyo horumarkii Makka iyo Madiina caanka ku aheyd.

Markaas kadib, Cumar Finish wuxuu noqday qabqable dagaal oo ka madax banaan Xaaji Muuse Suudi, inkastoo uu ku guuldareystay inuu wada qabsado Makka iyo Madiina.

Markaa kadib, shirkii Eldoret iyo Mbaghati ayuu u hayaamay 2002-kii halkaasoo isagii iyo qabqableyaashii kale ee dagaalka ay ka qeybgaleen shirweynihii lagu soo dhisay maamulkii C/llahi Yusuf, wuxuu noqday xubin baarlamaan, halkaasoo aheyd daaqadii uu kasoo galay siyaasadda. kadibna wuxuu nasiib u yeeshay inuu noqdo xildhibaan dowladdiihii Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh.

Xilka hadda loo dhiibay, waa mid culus, waana caloosha maamulka dalka, waxaana horyaal daruufo badan oo xagga amniga ugu weyn tahay, dib u dhiska magaalada yo maamulka gobolka Banaadir, Xamarna waa ka duwan tahay magaalooyinka kale. Mida bulshada seddaxda milyan ku dhow ka sugeysa ayaa ah xaqiijinta xuquuqda iyo maqaamka Muqdisho iyo inuu iska dhooro sidii horay u dhacdayba in laga horkeeno deegaanka Xaaji Muuse degan yahay, taasoo inay dhacdo Kheyre muhiim u tahay qorshahiisa.

W/Q: Cali Muxiyaddiin Cali
Email: Muxiyaddiin@hotmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid