Kenya oo war kasoo saartay booqashada Muuse Biixi ee Nairobi iyo qorshaheeda

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka ambabaxay magaalada Hargeysa ayaa goordhoweyd gaaray caasimada Kenya ee Nairobi, halkaasi oo ay kusoo dhaweeyen Xoghayaha maamulka Sare ee Wasaarada Arimaha Dibada, Ababu Namwamba iyo Xoghayaha Wasaaradda Beeraha Kenya, Gatirau Munya.

Safarka madaxweyne Biixi ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay oo rasmi ah oo uu ku tago caasimada dalka Kenya ee Nairobi, tan iyo markii uu xilka qabta, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda Kenya.

War kasoo baxay xukuumadda Nairobi ayaa lagu sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu maalinta berri ah la kulmi doono madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, kuwaasi oo ka wada-hadli doona xiriirka labada dhinac, gaar ahaan arrimaha amniga iyo xiriirka ganacsiga.

Sidoo kale waxa qoraalka Kenya lagu sheegay inay Somaliland tahay saaxiibka muhiimka ah ee gobolka Geeska Afrika ee la dagaalanka argagixisada, gaar ahaan Al-Shabaab, isla markaana ay kala hadli doonaan arrimaha “danaha ay wadaagan”.

“Xiriirka adag ee u dhaxeeya Kenya iyo Somaliland wuxuu xoojinayaa isdhex-galka amniga, dhaqaalaha iyo bulshada ee udhaxeeya labada dhinac. Somaliland waa saaxiibka muhiimka ah ee gobolka Geeska Afrika ee la dagaalanka argagixisada iyo gaar ahaan Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraal ay Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ku daabacday bogeeda twitter-ka.

Waxa kale oo lagu xusay qoraalka Kenya inaysan xukuumadda Nairobi xiriir diblumaasiyadeed iyo dhaq-dhaqaaq siyasaadeed oo toos ah ku laheyn Somaliland oo iyadu ku dooda dal madax-banaani, taasi oo la rumeysan yahay inay iskaga fogeynayso faro-gelinta ay ku eedeysay dowladda federaalka.

“Kenya wax diblumaasiyadeed kuma lahan Somaliland, laakiin waxay aqoonsan tahay xasilloonida siyaasadeed iyo dhaqaale ee gobolka waxayna dooneysaa inay xoojiso oo ay ballaariso ganacsiga badeecadaha iyo adeegyada, iyo weliba sidoo kale maal-gashiga oo saldhig u ah iskaashiga horumarineed ee muddada fog ee gobolka.”

Safarka Muuse Biixi ee Kenya ayaa imanaya xili ay xiisad xoogan u dhaxeyso Soomaaliya iyo Kenya, waxaana la fahamsan yahay in martiqaadka xukuumadda Nairobi ee Biixi uu yahay mid cadaadis lagu saarayo dowladda federaalka, oo iyadu toddobaadyadii dambe qaadeysay tallaabooyin ka dhan ah.

Dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa hore Kenya ugu eedaysay inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha, oo ay cadaadis saareyso madaxda maamulada dalka, gaar ahaan hogaamiyaha Jubaland Axmed Madoobe, isla markaana ay ku qasbeyso inuu ka baxo heshiis siyaasadeed oo uu la saxiixday dowladda faderaalka iyo madaxda kale ee maamulada dalka.