Kenya oo sheegtay in dad Habar-gidir u dhashay ay afduubteen 2 Kenyan ah

Muqdisho (Caasimada Online) War lagu qoray Wargeyska Daily Naition ee ka baxa dalka Kenya, ayaa lagu sheegay in labo ruux oo Kenyan ah oo la shaqeynayay shirkad dhisme oo ku taala magalaada Muqdisho ay afduubteen kooxo looga shakisan yahay in ay yihiin burcad-badeed, kuwaasoo hadda dalbaday 80 milyan oo lacagta Kenya ah oo dhigan hal Milyan oo dollar.

Andrew Mwangura, wuxuu xoghaye guud ka yahay urur ay ku mideesan yihiin badmareenada Geeska Afrika, wuxuu sheegay in wararka ay helayaan ay ka mid yihiin in labada Injineer ay u gacan galeen maleeshiyo hubeysan oo ka soo jeeda beesha Habar-Gidir gaar ahaan Ceyr. sidda uu hadalka u dhigay.

Labada Ingineer ayaa la afduubtay 12-kii bishii Janaayo ee sannadkan 2014 waxaana afduubtay kooxo hubeysan xili ay ku sugnaayeen degmada Hodan ee gobolka Banaadir, iyagoona u shaqeenayay frican Construction Company, kahor inta aysan u gudbin degmada Xarardheere oo 700 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho.

“Waxaa wali nala soo xiriiraya qoysaskooda, laakiin waxaa xaqiijinay in kooxaha Soomaalida ay gacanta ku hayaan Kenyan-ka, wararka aan helnay ayaa sheegaya inay bad qabaan, kooxahana ay dalbanayaan lacag madax furasho ah”sidaasi waxaa yiri Andrew Mwangura oo ah xoghayaha guud ee midowga badmaaxiinta Kenya.

Wuxuu sheegay in kooxda  ay sheegteen masuuliyada afduubka, ayna weydiiyeen lacag madax furasho ah, si ay usii daayaan labada injineer ee u dhashay dalka Kenya.

Afduubkaan labada ruux ee Kenyanka ah ayaa ka dhigaya tirada Kenya ee lagu soo afduubtay Soomaaliya inka badan 8 ruux oo ay ku jiraan labo askari iyo afar ruux oo rayid ah, sida Mwangura uu sheegay.

Warkan oo Ingilish ku qoran halkan ka eeg!

http://www.nation.co.ke/news/Somali-Pirates-Kenyans-Mogadishu/-/1056/2218514/-/7md1stz/-/index.html

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com