Muqdisho (Caasimada online) Dowlada Kenya ayaa maanta in ka badan 100 qof waxay kala noqotay kaararkii aqoonsiga ama sharciga dalkaasi kadib markii baaritaan dowladu ay sameysay lagu ogaaday in si Muqmaasuq ah lagu siiyay .
Wasiirka arimaha gudaha Kenya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ee dalka kenya wuxuu sheegay in kadib baaritaan ay sameeyeen in ay ogaadeen in dad badan oo Kenya ku nool inay si musuqmaasuq ah inay sharcga dalkaasi ay ku heleen .
Waxaa iminka si rasmi ah sharciga dalkaasi lagala noqday 104 qof oo dalkaasi ku noolaa kuwaas oo heystay sharciga dalkaasi inkastoo Wasiirku uu sheegay in si sharciga aan waafaqsaneyn ay ku heleen aqoonsiga dalkaas.
Wasiirka ayaa sheegay in wax laga xumaado inay tahay in xafiiska madaxweynaha dalkaas in lahu helo musuqmaasuq waxaana uu sheegay inay sii wadayaan baaritaanada nuucai ah isagoona amar ku bixiyay in qofkii sharci si qadan uu ku helay heesto lagu arko xabsiga loo taxaabo .
Wuxuu sheegay in dadka sida dadban ku helay sharciga dalkaas inay yihiin kuwo dambiilayaal ah waajibna ay tahay in sharciga lala tiigsado.
Kenya ayaa aaminsan in qaar ka mid ah ragii fuliyay weerarkii westagate ay heysteen sharciga dalkaas oo ay ku heleen qaab sharcigaa khilaafsan .
Caasimada online
Xafiiska Nairobi

