Khaasaraha qaraxii ka dhacay Buulo-Xaawo oo kordhay iyo xog kale

Buulo-Xaawo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Buulo-Xaawo ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in ay sii kordheen tirade dadka ku dhintay weerar bambaano oo xaley fiidkii lagu weeraray goob ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan maamulka Ahlu Sunna iyo kuwa dowladda.

Inta la ogyahay seddax qof oo labo ka mid ah askar ayaa ku dhintay weerarkaas in ka badan afar kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Taliyaha ciidamada dowladda ee gobalka Gedo oo saakay la hadlay BBC-da ayaa sheegay in dhowr qof ay u qabteen weerrarkaas balse ma sheegin tira rasmi ah.

Weerarka kaddib ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna ayaa sameeyay howlogallo dad lagu soo qabtay, waxaana bandow lagu soo rogay magaalada.

Xaalladda magaalada ayaa saakay deggan, waxaana la sheegayaa in caadi ay tahay isku socodka dadka iyo gaadidka ee gudaha magaalada.

Ma ahan weerarkii ugu horeeyay ee ka dhaca Buulo-Xaawo oo ka tirsan gobalka Gedo ee koonfur galbeed ee dalka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com