Soomaali isku dayaya in maanta uu taariikh cusub ka dhigo CANADA

Edmonton (Caasimada Online) Magaalada Edmonton ee dalka Canada waxaa maanta oo Talaado ah ka dhacaysa doorashada golaha deeganka.

Doorashadda waxaa ka qaybgalaya nin Soomaali ah oo doonaya in uu ka mid noqdo golaha deeganka Edmonton ee dalka Canada.

Cabdikaxakiin Axmed Ciise, waa qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo isku soo taago doorashadda golaha deeganka Edmonton ee gobalka Alberta ee dalka Canada.

Mar uu la hadlaayay VOA-da ayuu sheegay in uu rajo fiican ka lee yahay doorashadda maanta ka dhaceysa magaalada Edmonton ee gobalka Alberta.

Wuxuu sheegay musharraxan in Soomaali badan ay ku nooshahay dalka Canada gaar ahaan magaalada Edmonton.

Waxaa la weydiiyay sababta ku kaliftay in uu isku soo taago doorashada golaha deeganka, wuxuu yiri waxaa igu kalifay markii aan arkay Soomaali badan oo lagu dhiibaateeyo dalka Canada.

“Markii aan arkay dhibaatooyinkaas waxaan codsaday in aan noqdo Police officer, balse waa la igu dhibay, waxaan ogaaday sida kaliye ee aan uga dhexmuuqan karo ay tahay in aan ka qaybgalo nidaamka siyaasiga” ayuu yiri Cabdixakiin.

Ugu dambeen wuxuu sheegay in 54,000 oo qof ay ku nool yihiin magaalada Edmonton, kuwaasoo u badan soo galooti.

Wuxuu sheegay 80% uu ku kal soon yahay in codad badan uu ka heli dooni dadka ku dhaqan magaalada Edmonton.

Dalka cannada Soomaalida waxa ay gaareen sannadkii 1975-tii waxaana tiradooda lagu qiyaasaas 20,000 sida ay lee yihiin saraakiisha jaaliyadda Soomaalida ee Canada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Ottawa

Caasimada@live.com