Siyaasiyiin ka qayb galay shirkii Addis Ababa oo weeraray A/Madoobe & DF

Muqdisho (Caasimada Online) Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka  qaybgalay shirkii dowladda Soomaaliya iyo maamulka kumeel gaarka ee Jubba ku wadagaareen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa sheegay in dowladda ay ku qaladaneed in markii horeba ay heshiis la gasho maamulka Axmed Madoobe.

Maxamed Nuur Geedi oo ka mid ah siyaasiyiinta ka jeeda gobalada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa caawa sheegay in Axmed Madoobe markii horeba la ogaa in uusan ka dhabeen doonin heshiiska uu la saxiixday dowladda fedaraalka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in horey loo ogaa Axmed Madoobe in uu ka baxayo heshiiska isla markaana uu diiddi doono shir looga hadlaayo maamul u sameenta Jubbooyinka iyo Gedo oo dowlada Soomaaliya ay ku qabaneyso 21-ka bishan.

Siyaasi Maxamed Nuur Geedi ayaa tilmaamay in dowladda ay markii hore ku qaladaneed in ay heshiis la gasho isla markaana ay aqoonsi siiso nin hoggaamiye kooxeed ah oo xoog ku heesta gobalo uusan ka tallin.

Si kastaba, hadalka siyaasigan ayaa jawaab u ah war uu sheegay Axmed Madoobe hoggaamiyaha maamulka Jubba kaasoo sheegay in shirka ka ka dhacayo Muqidsho aysan ka qaybgali doonin maadama uusan wax micno sidaas u buuran ugu jirin dhinacooda.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in shirweyn looga hadlaayo masiirka seddaxda gobal iyo dhammeestirka maamul hadda jira uu ka dhacayo Kimaayo isla markaana  madaxweynaha Soomaaliya uu tagi doono magaalada dekedda leh ee Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com