Muqdisho (Caasimada Online) – Masuuliyiinta maamulka Khaatumo ayaa iminka bilaabay iney dhaleeceyn usoo jeediyay madaxweynaha Soomaaliya xili doorashada ay soo idlaatay inta badan.
Masuuliyiin u hadashay maamulka Khaatumo ayaa sheegay in Xasan Sheikh maxamuud uu xaqiray xuquuqda ay lahaayeen beelaha daga deegaanada Sool, Sanaag iyo Ceyn.
Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha maamulka Khaatumo ayaa sheegay in xaqiraad weyn lagu sameeyay beelaha daga deegaanada maamulkaasi.
Wuxuu sheegay in xildhibaanada ku aaday shacabka kasoo jeeda deegaanada Khaatumo ay boobeen madaxda dowlada Soomaaliya oo Xasan Sheikh Maxmauud uu ugu horeeyo, sida uu hadalka u dhigay.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Khaatuma aysan aqbali doonin in xildhibaano lagu soo doorto Muqdisho iyo sidoo kale Garowe in ay matalaan shacabka kunool gobolada Sool iyo Sanaag.
Maamulka Khaatuma ayaa kasoo horjeeda maamulada Puntland iyo Somaliland, waxaana uu ka mid yahay maamulada aysan aqoonsan dowladda Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]