Khabiir shaaciyey tallaabo ka dhan ah Somaliland oo uu Shiinaha damacsan yahay

Hargeysa (Caasimada Online) – Wargeyska The Telegraph ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa maalin-nimadii Isniintii daabacay warbixin dheer oo uu ka diyaariyay xiriirka curdinka ah ee Somaliland iyo Taiwan, iyo weliba walaaca xoogan ee uu ka qabo Shiinaha.

Wargeyska oo ugu horeyntii ku dheeraaday marxaladaha kala duwan ee xiriirkaasi uu soo maray, ayaa haddana waxa uu toosh ku ifiyey qorshe cusub oo dowladda Shiinuhu ay ugu cago-jugleynayso Somaliland.

Wuxuuna sheegay in xukuumadda Beijing ay doonayso inay dhoolatus millateri ka sameeyo xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa waqooyi ee Somaliland, iyada oo soo dhex maraysa dowladda Soomaaliya oo iyaduna ka hortimid xiriirkaasi.

“Sida uu sheegay khabiir amni oo ka shaqeeya Geeska Afrika  oo aan doonayn in magaciisa la sheeego  fal-cellinta cadhada leh ee Shiinaha iyo Sooamaliya aad ayay uga ballaadhan tahay qoraallada cadhada ah ee ay soo saareen. Iyada oo iskaashiga ka dhexeeya Taiwan iyo Somaliland uu kor u socday bilihii u danbeeyey, Shiinuhu wuxuu soo bandhigay inuu Soomaaliya ula sameeyo si wada jir ah ilaalin ciidamada badda ah, sida uu sheegay [khabiirku],” ayaa lagu yiri warbixinta wargeyska.

Wargeyska oo soo xiganaya Khabiir aan magaciisa la shaacin, ayaa waxa uu sheegay in howl-galka ilaalinta ee Shiinuhu qeybta ka yahay uu si buuxda uga adeegsan karo daan-daansi nooc cusub ah oo uu ku cadaadinayo Somaliland.

“Shiiinuhu inta uu tegay Muqdisho ayuu yiri waa sidee xaalka ilaalinta aad ku samaysaan baddiina dhinaca woqooyi? Aannu idinka caawinno inaad sidaas samaysaan. Waa arrin si buuxda loogu adeegsan karo gor-gortan isla-markaana ah xirfad daan-daansi ah inuu maraakiibtooda ka keenno Jabuuti,” ayuu yiri Khabiirka uu soo xiganayo wargeysku.

Khabiirkaasi ayaa sidoo kale sheegay in suurta-gal tahay in daan-daansiga ay maraakiibta Shiinaha ka wadaan xeebaha Somaliland ay sababi karto in maraakiib millateri oo uu Mareykanku leeyahay ay tagaan dekedda Berbera.

Mareykanka ayaa hore usoo dhaweeyay xiriirka Somaliland iyo Taiwan, xili ay xiisad kala dhaxeyso Shiinaha, waana sababta u weyn ee xiligan loolan cusub oo dhoolatus ka abuuri karta xeebaha Somaliland.

Xiriirka cusub ee Somaliland iyo Taiwan ayaa abuuray xiisad xoogan, iyada oo gaashanka u daruuren labada maamul cadaadisyada uga imaanaya dowladdaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo iyagu isku baaheystay wiiqista heshiiskaasi.