Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Ceelwaaq iyo wararkii u dambeeyey

Garbahaarey (Caasimada Online) – Faah faahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa qarax khasaare geystay oo barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Ceelwaaq oo ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso, wuxuuna ka dhacay maqaayad ku taalla bartamaha magaaladaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan 2 qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 5 kale, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xilliga uu dhacayey qaraxa ay maqaayadda ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka degmada Ceelwaaq kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada oo ku aadan qaraxaasi khasaaraha dhaliyey.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana goobta ka socda dhaq dhaqaaqyo ay wadaan ciidamada ammaanka, si dabagal loogu sameeyo kooxihii ka dambeeyey falkaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa sii kordhayey qaraxyada nooca miinada ah ee ka dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.