26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Wasiir arrin halisa lagu eedeyey lagana yaabo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee dumarka ah ayaa si adag kaga hadashay arimaha dhanka amaanka iyo baaritaanada laga sameynayo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Khadiijo, ayaa sheegtay in amni darada dalka ay ka dambeeyaan wasiirka amniga xukuumada Soomaaliya iyo ilaaladiisa sida ay sheegtay, loona baahan yahay in iyaga baaritaan dhab ah lagu sameeyo.

Waxay sidoo kale dhaliil usoo jeedisay muuqaalkii laga soo duubay taliyaha nabad sugida qaranka Soomaaliya oo la arkayay iyadoo baaritaan lagu sameynayay xili uu ku sugnaa garoonka diyaaradaha, iyada oo sheegtay in arimahaasi ay ruwaayad ahaayeen.

“Wasiir adiga iyo ciidamdaaasi ayaa ka dambeeya waxa dhacaya ee ma ahan inaad ku mashquushaan baaritaanada jirkeyga”ayay tiri xildhibaan Khadiijo Maxamed oo baarlamaanka ka hadleysay.

Maalintii shalay ayaa xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya waxay su’aalo adag weydiiyeen wasiirka amniga xukuumada Soomaaliya, waxaana dhaliilo badan loo jeediyay wasiir C/risaaq Cumar Maxamed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News