Muran ka dhashay warqad uu qoray JAWAARI..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya, C/salaan Hadliye Cumar uu gaaro Xarunta Baarlamaanka Somalia si wax looga weydiiyo amarka la xiriira Baaritaanka Xildhibaanada Somalia xiliyada ay ka dhoofayaan Garoonka Muqdisho.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa Wasiir Hadliye u gudbiyay qoraal looga codsanaayo in maalinta Sabtida ah ee soo socta uu hor imaado Xildhibaanada si wax looga weydiiyo tuhun laga qabo in isaga uu ka danbeeyay amarka ah in Xildhibaanada lagu adkeeyo baaritaanka Garoonka.

Jawaari waxa uu sheegay in inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka ay farta ku fiiqeen in Wasiir Hadliye balse loo baahan yahay inuu iska tiro ama isku tiro eedeeynta loo jeediyay.

Muranka ka taagan cida laheyd bixinta amarka lagu baaraayo Xildhibaanada ayaa gaaray heer xun, waxaana suuragal ah in amarkaasi uu saameyn xoogan ku yeesha Villa Somalia.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha Baarlamaanka wuxuu tilmaamay in dib loo eeggi doono haddii ay jiraan Xildhibaano lagu baaray Garoonka Magaalada Muqdisho, xilli ay ka dhoofayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com