Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah xildhibaanno 168 mudane oo saxiixay mooshin ka dhan ah Raysal Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku kal soon tahay in uu mooshinkaas uu helo cod.
Iyadoo la hadleysa VOA-da ayaa waxa ay sheegtay in xukuumadda Raysal Wasaaraha ay ku fashilantay wax yaabihii loo idmay in ay qabto sida ay hadalka u dhigtay.
“Anniga waxaan ka mid ahaa xildhibaanno 168 ah oo saxiixay mooshin ka dhan ah Raysal Wasaaraha, waxaan maanta ku wareejinay guddoonka baarlamaanka,waan ku kal soonahay in uu cod helo mooshinkaas, haddii uu waayo xukuumadda Saacid ayaa dalka ka arrimin doonta, Annigana waxaan ka mid ahaa mudanayaasha wax ka saxiixay.” ayey tiri Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye.
Waxaa la weydiiyay wax yaabaha ay soo kordhin karto in xukuumad la rido?
Waxa ay sheegtay in ay wax badan ka badali doonto xaaladda, oo dalka xukuumad wax qabad leh ay imaaneyso haddii meesha laga saaro Raysal Wasaaraha iyo Xukuumadiisa.
“Waxaan is lee yahay xukuumaddan iyo Raysal Wasaaraha in wax u qabtaan dalka, waa in marka la keeno dad wax u qaban kara shacabka iyo dalka” ayey tiri Khadiijo Maxamed Diiriye oo madax u ah guddigga xuquuqda insaanka ee baarlamaanka Soomaaliya.
Waa ay sii hadashay “Lix biloowd ka hor ayaa xukuumadda raysal wasaaraha mooshin ay ka keenay 60 xildhibaan, anniga waxaan ka mid ahaa dadkii lahaa halaga joogo mooshinka, xukuumadda waxay caddeesatay in aysan la shaqeen baarlamaanka, go’aankan ma ahan mid farxad galin kara Madaxweynaha ama ka nixin kara Raysal wasaaraha”
Dadka wax odorosa arrimaha siyaasadda waxa ay lee yihiin arrintan waxaa laga yaabaa in uu wax badan ka ogyahay madaxweynaha,waayo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa doonaya in Ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon uu is casilo..
Mooshinkan ayaa ku soo beegmay toddobaad uun markii uu khilaaf uu kala dhexgalay Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya.
Halkaan Hoose ka Khadiijo Maxamed Diiriye
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi