Khasaaraha Al-Shabaab oo maraya 90 dhimasho iyo wararkii ugu dambeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan 90 dagaal-yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn xagga cirka ah oo shalay ka dhacday gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, sida uu sheegay taliska ciidamada militariga Soomaaliya.

Qoraal kooban oo la soo dhigay barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in duqeynta lala beegsaday dagaal-yahanada Al-Shabaab kadib markii ay qabsadeen deegaanka Camaara ee gobolka Mudug.

“Maleeshiyaadka Al-Shabaab waxay isku dayeen inay weeraraan tuulada Camaara waxayna la kulmeen qasaaro aad u badan. Galabta ayaa la qaaday duqeyn xagga cirka ah oo lala beegsaday al-Shabaab oo lagu dilay ugu yaraan 90 argagixiso ah,” ayaa lagu yiri qoraalka twitter-ka.

Ciidanka Milatariga oo kaashanaya kuwa maamul goboleedka Galmudug ayaa tuulada ka xoreeyay kooxda Al-Shabaab bishii hore, ayada oo mar kale ay weerar qaraxyo ku billowday kusoo qaadeen.

Al-Shabaab ayaa dhankooda kal hore sheegatay inay dagaalka ku qabsadeen 14 gaadiidka gaashamaan, waxyar un ka hor intii aan dib looga qabsan deegaanka Camaara ee koonfurta gobolka Mudug.

Sidoo kale wararka aan ka heleyno dagaalkaas waxa ay sheegayaan in markii deegaanka laga saaray kooxda ay duleedka ku beegsadeen diyaarado dagaal oo gacan siinayey ciidamada xoogga dalka iyo daraawiishta Galmudug, waxaana halkaas Al-Shabaab ka soo gaaray khasaare xoog leh.

War kooban oo ka soo baxay Taliska Milatariga Mareykanka ayaa lagu xaqiijiyay inay qaadeen howlgal ay ugu magac-dareen “is-difaac guud” oo ka dhan ahaa kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay deegaanka Camaara, waxayna shaaciyeen in qiimeynta hor-dhaca ah ay muujineyso in duqeymihii dhacay aysan wax ku noqon dad rayid ah.