Khasaaraha ka dhashay dagaalkii BOOSAASO oo la shaaciyey (Warbixin)

Boosaaso (Caasimada Online) – Guddiga xaqiiqo raadinta dagaalkii cuslaa ee ka dhacay magaalada Boosaaso, bishii December ee sanadkii hore 2021-kii ayaa soo bandhigay khasaaraha nafeed iyo midka hantiyeed ee ka dhashay dagaalkaasi oo u dhexeeyey ciidamada Puntland iyo kuwa PSF-ta ee uu hoggaaminayey Maxamuud Cismaan Diyaano.

Guddiga oo ka kooban illaa 13 xubnood oo tan markaasi soo waday qiimeynta khasaaraha uu sababay dagaalkaas ayaa ugu dambeyn soo saaray warbixin iftiimineysa baaxadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Warbixinta ayaa waxaa lagu muujiyey in dadka dhintay ay yihiin 22 ruux, kuwa dhaawacmay waa 86 qof, khasaaraha hanti ee ka dhashay dagaalkaas waxa uu guddigu warbixintiisa ku sheegay in ay tahay $807,500 (Siddeed boqol, todobo kun iyo shan boqol oo dollar).

Xubnaha guddiga ayaa sidoo kale ugu baaqay hoggaanka sare ee Puntland inay  fuliyaan dhaqan gelinta qodobadaasi, si loo bixiyo hantida ay ku qiimeeyeen inay ku khasaartay dagaalkii ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Madaxweynaha Puntland ayaa horey guddiga u ballan qaaday inuu bixin doono lacagta ay ku qiimeeyaan khasaarihii ka dhashay dagaalkii Boosaaso oo sidoo kale sababay barakac xoogan.

Warbixintan ayaa kusoo aadeyso, xilli horey heshiis buuxa laga gaaray dagaalkii Boosaaso, gaar ahaan xiisaddii u dhexeysay Deni iyo Diyaano, waxaana kadib Boosaaso lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Si kastaba, Puntland ayaa laga war sugayaa falcelinta warbixinta guddiga oo lasoo saaray, xilli Saciid Deni uu haatan ku sugan yahay magaalada Muqdisho oo uu ka bilaabay ololihiisa doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.