28.2 C
Mogadishu
Saturday, November 8, 2025

Khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay Degmada Caabud-waaq oo la shaaciyay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka inaga soo gaaraya Degmada Caabud-waaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Dagaal aad u xoogan oo u dhexeeyay laba Maleeshiyo beeleed.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii ay sii xogeysatay colaad halkaasi ka taagneyd, taa oo ka dhalatay kadib markii beel kamid ah ay dishay nin kasoo jeeda Beesha kale.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 7 ruux oo ay ku jiraan dad aan kasoo jeedi labada beel ee uu dhagaalka u dhexeeyo, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen dad kabadan 9 ruux.

Dagaalka ayaa Salka ku haya Nin Shalay lagu dilay Degmada,waxaana weli Magaalada ka jirta Xiisad Colaadeed.

Degmada Caabud-waaq, ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaalo aar-goosi ah, oo dhex mara beelaha halkaasi wada dega.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News