Khasaaraha ka dhashay qarixii Shangaani oo kordhay iyo Filish oo war soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli sii soo taraya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qarixii is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay xaafadda saddexda Geed ee degmada Shangaani, kaas oo geystay waxyeelo isugu jirto dhimasho iyo dhaawac.

Dhimashada ayaa gaartay ugu yaraan illaa 6 qof oo uu ku jiro is-miidaamiyihii fuliyey weerarka, waxaana sidoo kale dadka ku dhintay qaraxan ay u badnaayeen dhalinyaro ku shaaxeysay maqaaxi ku taalla agagaarka saldhigga degmada Shangaani ee G/Banaadir.

Meydadka dhalinyaradaasi ayaa sidoo kale lagu wadaa in maanta lagu aaso qabuuraha Muqdisho, iyada oo ay qeyb-galayaan ehellada marxuuminta iyo dadweyne kale.

Dhinaca kale guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa war kasoo saaray qaraxaasi, wuxuuna marka hore tacsi u diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen qaraxaasi, isaga oo kuwa dhaawaca ahna u rajeeyey caafimaad .

“Anigoo ku hadlaayo Magaceeyga, kan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowlada Hoose ee Xamar waxaan tacsi tiiraanya leh u dirayaa Qoysaskii iyo Ehelkii ay ka baxeen Walaalihii Soomaaliyeed ee ku shahiiday falkii Bahalnimada ahaa oo ay argagixisada ka geesteen goob ay bulshada isugu yimaadaan oo kutaala degmada Shangaani, waxaan sidoo kale caafimaad deg deg ah Alla uga baryaaya in uu siiyo dadkii ku dhaawacmay Musiibadaasi,” ayuu yiri Duqa magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed in loo midoobo dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

“Waxaa hubaal ah in Al-shabaab ay ku fashilmeen in ay kusoo gambadaan Diinta Islaamka oo ah mid Suuban oo Naxariis badan, Argagixisada waxa ay si bareer ah uga soo horjeedaan nolasha iyo horumarka Umada Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaan ugu baaqayaa bulshada gobolka Banaadir in si Wadajir meel loogu soo wada jeesto ciribtirka Cadowga,” ayuu markale sii raaciyey.

Si kastaba muddooyinkii dambe ayaa waxaa sii xoogeysanayey falalka ammaan dari ee ka dhacaya gudaha caasimada, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo sidoo kale dilal qorsheysan.