Shabaab ‘oo xeelad cusub u adeegsaday’ weeraradii Awdheegle iyo BARIIRE

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidi ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaab ay xeelad cusub u adeegsadeen weeraradii ay shalay ku qaadeen saldhigyada ciidamada ee Bariire iyo Awdheegle.

Siidi ayaa sheegay in Shabaabka ay baabuur nooca xabadda aysan karin ah (Bullet proof) u adeegsadeen inay kusoo weeraraan xeendaabka saldhigga Awdheegle, balse la qarxiyey inta uusan soo gaarin.

“Waa xeeladaha cusub, waa noocyada cusub ee nimanka argagixisada ay hadda billaabeen waaye. Koleyba baabuurtaas inay hadda tijaabo yihiin ayaan u qaadanay,” ayuu yiri Siidi, oo intaas ku daray in Al-Shabaab jab culus lagu gaarsiiyey weerarka.

Ma cadda sababta ay Al-Shabaab u adeegsadeen baabuur aan xabddu karin oo qaali ah, haddiiba ay u jirto sida uu sheegay guddoomiye Siidi, balse waxaa suurtagal ah inay ku doonayeen in dagaal-yahanooda ku galaan xerada ayaga oo aan la waxyeeleyn kahor inta aysan gaarin.

Taliyaha ciidanka dhulka ee militeriga Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo u waramay warbaahinta dowladda ayaa sheegay dagaalkii ka dhacay Bariire iyo Awdheegle ay Al-Shabaab uga dileen 85 dagaalame. Sidoo kale Taliye Biixi ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay nolosha ku qabteen in ka badan 10 dagaalame oo Shabaab ah intii uu dagaalku socday.

Dhanka kale wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo war ka soo saaray dagaalkaas ayaa ciidanka xoogga dalka ku boogaadiyay guulaha ay ka soo hooyeen weeraradii uga yimid Al-Shabaab ee ka dhacay Awdheegle iyo Bariire.

“Waxaan boogaadinayaa naftood hurayaasha geesiyaasha ah ee habeen iyo maalin u taagan Difaaca dadkood, dalkooda, diintooda oo maanta dharbaaxo weyn ku dhuftay argagixisadda ” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Soomaaliya Xasan Xuseen.