Daawo: Waare oo sheegay ‘wixii uu ku beddeshay’ inuu ka tago xilka HirShabeelle

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dhawaan wareysi dhinacyo badan taabanaya waxa uu siiyey warbaahinta Hanoolaato. Qeybtaana waxaan ku soo qaadaneynaa waxyaabaha uu Waare ku bedeshay madaxtinimadii HirShabeelle.

Markii la weydiiyey Maxamed Cabdi Waare maxaad ku doorsatay madaxtinimadii HirShabeelle waxuu ku jawaabay, “Waxaan ku doorsaday istareex, maskaxda oo ii degan, ilaahey oo aan u soo noqday, wixii iga halaabay oo aan gadaal u fiirshay, tolka aan ka dhashay oo si fiican aan u bartay, wax fiican ayaan ku bedeshay oo anigu maanta dhib ma qabo, laakiin waxaa dhib qaba dadka aan ka fekerin ciddii ay igu bedelan lahaayeen.”

Waxa uu sheegay in beeshiisa Xawaadle uu kala kulmay culeyskii ugu badnaa ee ka heystay hoggaaminta HirShabeelle, ugu dambeyna ay iyagu iska soo riixeen.

“Qofka markii uu meel ka tegaayo meel ka fiican ayaa looga gacan haatiyey ama waxbaa meesha ka ceyriya, aniga HirShabeelle iyo beesheyda Xawaadle iyagaa isoo riixay, waxayna i dhaheen ilaaheena ayaan qabnaahe naga tag, anigana waxaan iri mid iga kheyr qaba, oo iga roon Allaha idiin sahlo,” ayuu yiri Waare.

Sidoo kale madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa beeshiisa Xawaadle ku dhaliilay in aysan ku kalsoonaan oo aysan ixtiraamin siyaasiyiinta metesha.

“Waa dad taladu ka halaawday oo tabasho fara-badan waa qabaan, wax badan inay ka qeyliyaana garey u leeyihiin, laakiin waa inay iyaguna su’aalo muhiim ah is weydiiyaan, maxaa ku ka lifay in qabaa’ilkii kale ee la degaan uu ka safto? Maxaa keenay in magaalada Beledweyne ay afarta jiho kasoo xiranto? Maxaad inta albaab ah isaga soo xirteen? Talo la’aan, kala dambeyn la’aan, is aaminid la’aan, wax isku quurid la’aan, dhaqankii oo aan la ixtiraamin, siyaasadii oo aan la ixtiraamin, madaxdii oo aan la ixtiraameyn,  iyo ganacsatadii oo aan la ixtiraameyn, waxaasoo dhan ayaa ka jira meesha, waayehee jaantaa rogan, istee lagu gaaraa?” ayuu yiri Waare.

Mar uu soo hadal qaaday doorashadii madaxweynaha hadda hoggaamiya HirShabeelle Cali Guudlaawe, waxa uu sheegay in uusan ka mid aheyn dadkii u hambalyeeyey, balse uu u duceeyey, isagana uu gaar ula dardaarmay.

“Cali Guudlaawe waa nin oday ah oo akhlaaq leh, dhibaatadu meesha ay ka jirto yaqaanna oo xeeriya, laakiin culeyska heysta waxaad ka dareemee, hadii Waare meesha ka baxay, maxaa u diidan inay isaga la shaqeeyaan qoladaan dowladda dhexe? Soo juhdi badan kuma aysan bixin inuu isagu doorashada ku soo baxo? Mey xaliyaan mushkiladda jirta, may amniga kala shaqeeyaan oo daqli siiyaan, mey jidadka furaan oo maamulka la xoojiyaan?” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Hoos ka Daawo wareysiga