23.6 C
Mogadishu
Monday, January 5, 2026

Khasaare culus o ka dhashay gaari ay saarnaayeen shacab oo miino la qaraxday

Bookmark
Bookmarked

Share

Ruun-nirgood (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax gelinkii dambe ee Sabtidii ka dhacay deegaanka Kud-kudaaley oo hoostaga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Gaariga oo ahaa Laylo Calaawi, kana baxay magaalada Muqdisho ayaa kusii jeeday dhanka degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, waxaana la scoday ku dhawaad 20 ruux oo isugu jiro rag iyo dumar.

Qaraxa oo ahaa miino la dhigay waddada dhinaceeda ayaa haleelay gaariga oo ku socday aagga degmada Ruuni-nirgood, waxaana jira khasaare xoogleh oo soo gaaray rakaabkii la socday.

Ugu yaraan illaa 7 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinten qaraxa, oo uu ku jiro darawalkii gaariga, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 4 qof oo kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in gebi ahaan uu burburay gaariga, balse lama oga in qaraxu uu ahaa ku talagal iyo in kale.

Deegaanka uu qaraxu ku haleeyay gaariga ayaa waxaa badanaa howlgallo ka sameeya ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana mararka qaar soo beegsada maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Xaaladda deegaanka ayaa hadda degan, waxaana gurmad deg-deg ah loo fidiyay dadka ay waxyeellada soo gaartay, inkastoo dhimasho badan jirto.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa aad u kordhayey weerarada qaraxyada ah ee ka dhaca jidadka muhiimka ah ee isku xira gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud oo ay weli ku xoogan yihiin Khawaarijta.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay isku fidineysay Shabeellaha Dhexe, waxaana maalin kahor ay weerar toos ah ku qaadday deegaanka Wargaadhi, inkastoo isla iyagii lagu jabiyay dagaalka.

- Advertisement -

Read more

Local News