26.8 C
Mogadishu
Sunday, March 15, 2026

Khasaare ka dhashay qarax ka dhacay Calmiskaad

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa sheegaya in ugu yaraan 7 askari ay geeriyoodeen, kaddib markii qarax miino lala beegsaday gaari ay wateen ciidamo ka tirsan Puntland.

Qaraxan oo sida la sheegay ka dhashay miino nooca dhulka lagu aaso ah, ayaa maanta ka dhacay waddada cusub ee isku xirta magaalada Boosaaso iyo tuulada Dhaadaar ee degmada Qandala.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada la beegsaday ay halkaasi ka wadeen howlgallo miino-baaris ah.

Ciidamada gaariga saarnaa ayaa ka tirsanaa ururka Dhoore ee guutada Afmeer, oo ka mid ah ciidamada Daraawiishta Puntland, kuwaas oo haatan howlgallo ka dhan ah kooxda Daacish ka wada buuraleyda Calmiskaad.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in qaraxu si toos ah u haleelay gaarigii ay wateen ciidamada, taasoo sababtay dhimashada askarta iyo burbur soo gaaray gaariga.

Buuraleyda Calmiskaad ayaa muddooyinkii dambe ahayd goob ay si joogto ah uga socdaan howlgallo militari oo ay wadaan ciidamada Puntland, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo dagaalyahannada kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaya aaggaas.

Ma aha markii ugu horreysay oo qaraxyo miinooyin lagu aaso waddooyinka ay isticmaalaan ciidamada Puntland ee ka howlgala Calmiskaad. Marar badan ayaa qaraxyo la mid ah ay ka dhaceen waddooyinka gobolka Bari, kuwaas oo sababay khasaare kala duwan.

Ciidamada Puntland ayaa in ka badan 15 bilood dagaal kula jira kooxda argagixisada ah ee Daacish, waxaana kooxda lagu gaarsiiyay khasaare xooggan, iyadoo laga xoreeyay deegaanno hor leh.

Hase yeeshee, weli kooxda si dhameystiran loogama sifeyn buuraleyda Calmiskaad, iyadoo meelo ka mid ah ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaad ka tirsan kooxda.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Puntland oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxan, inkastoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan dhimashada ugu yaraan toddobo askari.

- Advertisement -

Read more

Local News