Khayre iyo Xaaf oo gaaray heshiis ka kooban 5 qodob

Cadaado (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo Madxaweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo kulan ku yeeshay magaalada Cadaado ayaa soo saaray go’aano wadajir ah oo la xariira maamulkaasi.

Wada-hadallada laba dhinac oo mira dhal laga gaaray ayaa waxaa looga hadlay arrimaha dib u heshiisiinta, doorashooyinka Galmudug iyo sidii loo dhammeyn lahaa kala aragti duwaanshaha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Galmudug.

Sidoo kale waxa ay isla garteen in Dhuusamareeb ay noqoto Caasimad loo dhan yahay oo leh maqaamkeeda, islamarkaana hay’adaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Galmudug ay si buuxda uga hawl galaan magaaladaasi.

Falanqeyn iyo wadatashi dheer keddib waxaa la isla meel dhigay qodobadan hoos ku xusan:

Halkan hoose ka aqriso:

  1. Madaxdu waxay si wadajir ah u bogaadiyeen soo dhaweyntii diirranayd ee 26kii Juun, 2019 loogu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre magaalada Cadaado.
  2. Madaxweyne Xaaf iyo Ra’iisul Wasaare Khayre waxa ay isla garteen in la dajiyo geeddi socodka iyo hannaanka dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka si loo helo Galmudug mideysan.
  3. In Dowlad Goboleedka Galmudug ay qaadato kaalinteeda kaga aadan arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka iyada oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
  4. Si ay u noqoto caasimad loo dhan yahay oo leh maqaamkeeda waa in hay’adaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Galmudug ay si buuxda uga hawl galaan magaalada Dhuusamareeb.
  5. In Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo celiso kabistii miisaaniyadeed ee Galmudug si loo dar dar galiyo arrimaha amniga iyo adeegyada kala duwan ee bulshada Galmudug.