Kheyre “Niyadiina ka saara in Garoonka Stadiom Muqdisho ay idiin dhisaan ajaaniib” (Sawirro)

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dhismaha Garoonka Kubada Cagta ee Stadiom Muqdisho aysan mar danbe dhisi doonin ajaaniib.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu sheegay in dhismaha Garoonka iyo goobaha kale ee dowlada ay uga dhamaatay inay dhaqaale dhismo ku bixiyaan dalal shisheeye, waxa uuna tilmaamay in dhaqaalaha lagu dhisaayo uu yahay mid laga doonaayo dowlada iyo shacabka.

Garoonka Kubada Cagta ee Stadiom Muqdisho ayuu sheegay inay ku cayaari doonaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana la doonaayo inay dhistaan Garoonkooda.

Kheyre ayaa yiri “Shacabka ha iska ilooban in ajnabi u dhiso Garoonka balse la doonayo inay iyagu dhistaan”

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay in Soomaalida ay ka xorooban gacan u hoorsashada shisheeye, waxa uuna ku baaqay in shacabka ay kaalintooda ka qaatan dhismaha Garoonka.

Kheyre ayaa hadalkan ka sheegay gudaha Garoonka Kubada Cagta ee Stadiom Muqdisho xili uu halkaa maanta ku tagay booqasho, waxa uuna rajo ka muujiyay in dowlada Somalia ay jawaab degdeg ah ka bixin doonto howlaha uu u baahan yahay Garoonka.