KHEYRE oo arrimo badan shaaca ka qaaday + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Cali Kheyre oo baarlamaanka federaalka Somalia codka kalsoonida kala noqday ayaa si degan ugu jawaab celiyay, isagoo sheegay inuu u tanaasulay danta shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna faah faahiyay xaaladihii adkaa iyo waxqabadkii xukuumaddiisa iyo fikirka Villa Somalia ee ah mudo kororsi.

Kheyre ayaa sheegay in wixii shalay baarlamaanka ka dhacay aysan aheyn wixii sharciga iyo dastuurka ummadda Soomaaliyeed u yiil balse uu fiiriyay danta ummada Soomaaliyeed iyo in qalqal siyaasadeed uu dalka gelin.

Xasan Cali Kheyre ayaa ka dhawaajiyay arrin shaki badan ka taagneyd oo xisbiyada mucaaradka ay horay ugu dhawaaqeen, kuna saabsaneyd in madaxweynaha uu damacsan yahay mudo kororsi, wuxuuna ka digay in nidaamka dalka u yaal iyo dhaqanka soo jireenka ee xukun isu dhiibida inaan la hareer marin si dalku u gelin qalqal siyaasadeed, mid amni iyo mid dhaqaale.

Kheyre ayaa carabka ku adkeeyay in xukuumaddiisa uu faray in ay ka shaqeyso in dalku ka dhacdo doorasho xalaal ah si dalku u gelin qalqal amni iyo mid siyaasadeed, iyo ilaalinta xukun isku wareejinta soo jireenka ah sidassi darteedna ay ka shaqeeyeen isu keenida dowladda federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada oo ku kulmay Dhuusa Mareeb, si loo guda galo ajandaha doorashooyiska, hase ahaatee wuxuu sheegay in qorshuhu ahaa in la isku soo laabto 15-ka Agoosto, si loo dhameystiro geedi socodka doorashooyinka, inkasta uu sheegay in horumaradii laga sameeyay shirkii Dhuusa Mareeb hadana uu weli socdo fikirkii ku aadanaa mudo kororsiga oo Madaxweynaha uu damacsan yahay inuu sameysto.

“Anigoo gudanaya waajibka i saaran ayaa waxaan xukuumadda faray in dalku aado doorasho lagana fogaado mudo kororsi, oo dhalin kara qalqal siyaasadeed, mid amni iyo mid dhaqaale, waxaan ka shaqeynay isu keenay Dhuusamareeb DF iyo madaxda maamul goboleedyada si loo gaaro go’aan loo dhan yahay oo doorashada ah, waxaan isku raacnay in lasoo isku soo labo 15- Agoosto si loo dhameystiro gedi socodka doorashooyiska dalka, inkasta oo kulmadii Dhuusamareeb horumar fiican laga sameeyay haddana waxaa muuqata in weli uu socdo fikirkii ku aadanaa mudo kororsi oo salka ku hayay wixii maanta ka dhacay  golaha shacabka, fikirkaasi oo mar hore aan ka digay inuu keeni karo qalqal siyaasadeed  dalkana dib u celin kara” ayuu yiri ra’iisul wasaare Kheyre oo shacabka Soomaaliyeed ogeysiiyay in dalka afartii sano mar doorasho ka dhacda xukunkana uu yahay qori isu dhiib inay tahay dhaqan sax ah oo dalka lagu bartay ayna tahay in la ilaaliyo.

“Anigoo og waxii maanta golaha shacabka ka dhacay ay ahaayeen sharci darro, aan loo marin habraacii saxda ahaa waxaan go’aansaday Waxan go’aansaday inaan anigu umada Soomaaliyeed u noqd tusaale oo aan iska casilo, xilkii ummada Soomaaliyeed u hayay anigoo dhowraayo midnimada dalka iyo inaan dib loogu laaban burbur iyo dhibaato si aan ugu turo shacabka Soomaaliyeed, waxaana tusayaa shacabka inaan halkaan u joogin xil” ayuu yiri Kheyre oo u mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed, kana dalbaday cafis haddii ay jiraan wax ka qaldamay.

Arrinta uu ka dhawaajiyay Xasan Cali Kheyre ayaa muujineysa shaki badan oo horay u jiray iyo khilaafka qarsoonaa ee u dhaxeeyay Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo oo isku hayay qaabka doorasho iyo mudo kororsiga uu damacsan yahay Madaxweyne Farmaajo.