Somaliland oo saami ku yeelatay dhaqaale caalamka soo marsiiyo wasaarad ka tirsan xukuumadii Kheyre

Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya ku sugan wasiirka warfaafinta maamulka Somaliland Cabdinaasir Cumar Jaamac, kaasoo ujeedada socdaalkiisa la xiriirta dhameystirka heshiis bishii June Addis Ababa ku dhex maray Wasiirka warfaafinta xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Wasaarada warfaafinta Somaliland.

Heshiiskaasi oo ku saabsan sidii la isugu soo dhoweyn lahaa, islamarkaana loo abuurrí lahaa jawi sahlaya xiriir wanaagsan iyo isdhexgalka oo isku soo dhoweeya suxufiyiinta Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxaa xukuumadda DF u saxiixay Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” halka Somaliland uu u saxiixay Wasir Cabdinaasir Cumar Jaamac.

Waxaa kaloo heshiiskaasi qodobadiisa uu dhigayaa in si siman loo qeybsan lahaa dhaqaalaha beesha caalamka ay ku taageerto warbaahinta Soomaaliya iyo wasaaradda warfaafinta.

Xubno ka socday beesha caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa goobjoog ka ahaa heshiiskaasi dhex maray Soomaaliya iyo Somaliland.

Wasiirka warfaafinta xukuumaddii dhacday Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaase ka baaqday ka qeybgalka wajiga labaad ee dhameystirka heshiiskaasi oo xiligaan wasiirka warfaafinta Somaliland uu u joogo Addis Ababa.