Siciid Deni oo sheegay arrin ka dhalatay is-dhexgalka Puntland iyo Galmudug

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdulllaahi Maxamed (Deni) ayaa ka warbixiyey safar dhulka ah oo uu uga amba-baxay magaalada Dhuusamareeb, kuna gaaray magaalada Gaalkayo ee gobolka Mudug.

Ugu horreyn Siciid Deni ayaa ku boggaadiyey ciidamada Galmudug, sid weyn ee ay uga shaqeeyeen amniga waddooyinka isku xira gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in is-dhexgalka siyaasadeed iyo bulsho ee maamullada Putland iyo Galmudug uu ka dhashay xasilooni muuqata

“Is dhexgalka Siyaasadeed iyo tan Bulsho ee Puntland iyo Galmudug waxaa ka dhashay xasiloonida muuqata, waxa dhiman waxaa lagu gaari karaa in la kordhiyo wada shaqeynta iyo isku xirnaanta oo ah habka kaliya ee looga adkaan karo falalka liddiga ku ah xasiloonida” ayuu yiri Deni.

Dhanka kale Waxa uu bogaadiyay in lasii kordhiyo wada shaqeynta xasiloonida Magaalada Gaalkacyo oo Koofur iyo Waqooyi kala maamulaan Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland, marar hore waxaa ku dagaalamay maleeshiyo beeleedyo hubeysan.

Hadalkan ayaa ku soo adaaya, iyada oo muddooyinkii la soo dhaafay Siciid Deni uu ku sugnaa deegaanada Galmudug oo kulamo kala duwan kula qaatay madaxda maamulkaasi, sidoo kalena uu uga qeyb-galay shirkii magaalada Dhuusamareeb.