Maxay ka dhigan tahay ‘xil ka qaadista’ R/W KHEYRE?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa shalay golaha shacabku kala laabtay Kalsoonidii, sida uu shaaciyay Guddoomiye Maxamed Mursal Cabdiraxmaan oo warbaahinta la hadlay.

Xil ka qaadista Kheyre ayaa imaneysa xili uu muran ka taagna nooca doorasho ee dalka ka qabsoomeysa, iyada oo madaxweyne Farmaajo uu ka gows adeygayey in meesha laga saaro qorshaha Villa Somalia.

Haddaba, Maxay ka dhigan tahay xil ka qaadista Kheyre?

Xil ka qaadista Kheyre ayaa la rumeysan yahay inay dhabaha u jeexayso muddo kororsiga uu rabo Farmaajo ee ay waddo Villa Somalia, kaasi oo gacan weyn ka helaya guddoonka golaha shacabka.

Villa Somalia oo gadaal ka riixeysa Guddoomiye Mursal ayaa meesha ka saartay xukuumada Kheyre, iyada oo uu si cad u sheegay Madaxweyne Farmaajo inuu soo dhaweynayo go’aanka golaha, isla markaana uu si deg-deg ah usoo magacaabi doono Ra’iisal wasaare cusub.

Xasan Cali Kheyre ayaa isagu si weyn uga soo horjeeday qorshaha Farmaajo, taasi oo dhalisay khilaaf xoogan oo ka dhex istaadhma, xili ay soo wada-shaqeynayeen muddo ka badan Saddex sanno.

Falan-qeeyayaasha siyaasada ayaa xilka ka qaadista Kheyre u arka mid lagu xoojinayo rabitaanka Farmaajo ee ah inay dalka ka dhicin doorasho, isla markaana uu sameysto muddo kororsi.

Waxa kale oo ay ka dhigan tahay in gebi ahaanba uu meesha ka baxayo shirkii Dhuusamareeb ee dowladda federaalka iyo maamulada dalka ee looga arrinsanayey arrimaha doorashooyinka.