Xog: Maxaa caawa ka socda hoyga Kheyre ee Villa Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha magacaaban Xasan Kheyre uu Caawa kulamo kala duwan la qaadanaayo qaar kamid ah Xildhibaanada BFS.

Ra’isul wasaaraha magacaaban ayaa Xildhibaanada kula kulmaayo hooyga uu ka degan yahay Madaxtooyada Somalia, waxaana la soo sheegayaa in Xildhibaanada uu weydiisanaayo codka kalsoonida.

Xildhibaanada uu Caawa la kulmaayo Ra’isul wasaaraha ayaa kor u dhaafaaya 40 Xildhibaan waxaana la xaqiijinayaa in Xildhibaanadaasi ay isugu jiraan beelo kala duwan.

Xasan Kheyre oo saacado ay uga harsan tahay hortagida Baarlamaanka ayaa culeyska saaraya in Xildhibaanada BFS uu ka dhaadhiciyo inay siiyaan codka si uu usoo dhiso Golaha Wasiirada Xukuumada Cusub.

Xildhibaanada uu Caawa la kulmaayo Ra’isul wasaaraha ayaa u muuqda kuwo la dhacsan magacaabidiisa, waxaana loo badinayaa in Kheyre uu heli doono kalsoonida Xildhibaanada.

Dhinaca kale, waxaan la ogeyn ballanqaadyada uu Ra’isul wasaaraha caawa u sameyn doono Xildhibaanada uu la kulmaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com