Qorshe uu damacsan yahay madaxweyne Farmaajo oo walaaciyey shaqaalaha Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu Madaxweyne Farmaajo magacaabay Agaasimaha iyo Ku-xigeenka Madaxtooyadda ayaa waxa soo baxayo qorshe lagu doonayo in Isbedel lagu sameeyo Waaxyaha hoos taga Madaxtooyada iyo in la yareeyo tirada Shaqaalaha ka hawl-gala Villa Somalia.

Wararka ayaa sheegayo in inta badan Waaxyaha Villa Somalia la isku dari doono, si loo soo kobo madaxda iyo shaqaalaha ka hawl-gala, qorshahaas oo madaxweynaha uu damacsan yahay, sida ay sheegtay idaacadda Dalsan ee Muqdisho.

Isku-shaandheyntaasi ayaa waxa ay walaac xooggan ku beertay  Shaqaalihii caadiga, kuwaasi oo ka cabsi qaba in shaqada laga ruqseeyo, laguna soo bedelo shaqaale cusub.

Qaar ka mid ah sahqaalihii Villa Somalia ayaa iskood uga tegay, kadib, markii Mdaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud xilka ku wareejiyey Madaxweyne Farmaajo.

Waa arrin caadi ah in marka Madaxda Qaranka xilka kala wareegaan inuu Isbedel lagu sameeyo Shaqaalaha iyo Mas’uuliyiinta Waaxyaha Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia kadibna la keensado saaxiibo cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com