Muqdisho: Wadihii Gaariga ku qarxay Muqdisho oo lasoo bandhigay (Sawirro)

Muqdisho (Caasimada Online)-Hay’adaha amaanka Dowlada Somalia ayaa soo bandhigtay dhaawaca mid kamid ah Ragii la socday gaari ku qarxay agagaarka Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Ninkaani la soo bandhigay ayaa la sheegay inuu ahaa wadihii gaari Qarxay, iyadoo sababta uu u baxsaday lagu sheegay in gaariga qarxay uu bacaad kaga galay.

Naftii haligahaani la soo bandhigay ayaa waxaa uu dhaacaw kasoo gaaray gacanta, waxaana la sheegay in cidamada amaanka ay kala soo baxeen mid kamid ah Isbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho oo lagu dabiibaayay.

Ninkaani wadaha ka ahaa Gaariga Qarxay ayaa iminka ku jira gacanta Ciidamada NISA, oo iyagu u fidiyay gargaar caafimaad inta uu ka bogsanaayo.