Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraaya caqabada Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ka heysata hirgalinta go’aanka uu ku magacaabay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre.
Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Madaxweyne Farmaajo ay ku dhagan yihiin qaar kamid ah Beelaha Hawiye kuwaa oo dhaliil ka keenay hanaanka lagu magacaabay Xasan Kheyre.
Beelaha ku dhagan Madaxweynaha ayaa la sheegay inay kamid yihiin Habar-gidir iyo Abgaal kuwaa oo ku doodaaya inaysan ka raali noqon doonin go’aanka lagu magacaabay Ra’isul wasaare Xasan Kheyre.
Labada beel ayaa ku goodiyay inaysan la shaqeyn doonin Ra’isul wasaaraha magacaaban haddii uusan Madaxweynaha ka qancin Magacaabida, maadaama loolanka xilkaasi ay ku jireen labada Beel.
In kasta oo odayaasha labada beel ay taageereen go’aanka, haddana waxaa caqabadda iyo dhibka wada siyaasiyiin iyo xildhibaano kasoo jeeda labadan beeel, waxaana loo arkaa dad xil doon ah oo fowdo wada.
Madaxweyne Farmaajo ayaa labadaasi beel u ballanqaaday inuu siin doono labada Wasaaradood ee ugu tayada badan, walow wararka aan heleyno ay tibaaxayaan inay ka biya diideen.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale labada beel u sheegay in sababta ugu weyn ee uu u magacaabay Xasan Kheyre ay tahay in min Seddex laf oo ka tirsan labada beel ay isku qabsadeen xilka, balse waxa uu ku adkeysanayaa inuu siin doono Wasiiro muhiim ah, isla markaana ay muhiim tahay inay ku qancaan isbedelka.
Farmaajo ayaa wali ku adkeysanaaya in Xasan Kheyre uu yahay Ra’isul wasaaraha cusub maadaama uu qalinka ku dhacay waxa uuna meesha ka saaray in beel gaara oo kamid ah Beelaha Hawiye ay leedahay Ra’isul wasaaraha.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

