Muqdisho Caasimada Online) – Xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa si xooli ah uga socdo wadatashiyadii ugu dambeeyey ee ku aadan magacaabista golaha wasiirada cusub.
Xusul duubka ugu weyn oo ay wadaan Beelaha waaweyn ayaa waxaa uu ka jira Wasaaradaha Gaashaandhigga, Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Amniga iyo Cadaaladda oo ah wasaaradaha ugu tunka weyn ee lagu dagaalamayo.
Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa wado wadatashiyadii ugu dambeeyey oo uu ku magacaabayo Golaha wasiirada waxaana la filayaa inay kasoo muuqaan doonaan waji ku cusub siyaasadda Soomaaliya.
Haddaba Ra’isulwasaaraha ayaa caawa dib usoo celiyey arrin la filayey in horey looga gudbay taasoo ah in xildhibaanada labada aqal loo qaabilo qaab beel ah taasoo lagu tilmaamay inay tahay dib u dhac weyn.
Xogheynta Ra’isulwasaaraha ayaa bilaabay inuu diyaariyo liis weyn oo loogu talagalay shanta beel ay ku dhisan tahay dowladda Soomaaliya waxaana loo qaabili doonaa mid mid taasoo noqoneyso qorsho cusub oo uu caawa bilaabay Ra’isulwasaaraha inuu usoo xulo golihiisa wasiirada.
Qaabkaan cusub oo uu bilaabay Ra’isulwasaaraha ayaa socon doono ilaa seddex maalin sida uu qorshaha yahay wuxuuna caawa la kulmi doonaa saacadaha soo socdo beesha ugu horreyso liiska uu diyaariyey xogheynta.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]