Wax badan ka ogow beesha ugu badan oo ay siyaasiyiinteeda isku soo taageyn Galmudug

Cadaado (Caasimada Online) – Waxaa gobolada dhexe ka socoto ololihii ugu adkaa oo ku aadan doorashada dhawaan la filayo inay ka dhacdo magaalada cadaado oo ah xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Galmudug oo dhawaan uu madaxweynaheeda is casilay.

Haddaba waxaa jiro musharixiin badan oo isku soo taagay xilkaas kuwaas oo kasoo kala jeedo beelaha kala duwan ee ku abtirsado goboladaas.

Haddaba waxaa durba liiska musharixiinta qabsaday oo buux dhaafiyey hal beel oo kamid ah beelaha dago goboladaas markii ay isku soo taageyn xilkaas siyaasiyiin badan oo ku abtirsado.

Beesha Sacad oo uu kasoo jeeday madaxweynihii dhawaan is casilay ayaa noqotay beesha ugu badan oo ay siyaasiyiinteeda isku soo taageyn xilkaas.

Wararka ay heshay Caasimadda Online ayaa xaqiijinayo in ku dhawaad 9 Musharax  oo beeshaas kasoo jeedo ay xilkaas isku soo taageyn.

Siyaasiyiinta ugu cadcad ee beeshaan ka tirsan si rasmi ahna xilka isugu soo taagay waxaa kamid ah Xildhibaaan Xaaf oo la sheegay inuu ahaa shaqsigii ka dambeeyey inay Xildhibaanada Galmudug ku kacaan Cabdikariin markii la musuq maasuqay xil uu ka doonayey xildhibaanada aqalka hoose ee maamulkaas u matalay Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa dadkaas ka mid ah Khaliif ereg oo mar noqday wasiirka Amniga Qaranka waxayna wararka xanta ah sheegayaan inuu garab ka heli doono madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ugu dambeyntaa caasimadda Online ayaa dhawaan idinla wadaagi doonto liiska musharixiinta isku soo taagay doorashada Galmudug iyo kuwa hadda qorsheenayo oo dhameystiran hadduu Alle idmo.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
caasimada@live.com