Kheyre oo kalsooni darro la kulmi doona haddii lagu helo 3 qodob oo daashada xukuumadihii hore

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia Xasan Cali Khayre, ayaa lagu wadaa in Gudaha Asbuucaani uu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada ee Xukuumada cusub.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa dhexda uga jira la tashiyada Beelaha Soomaaliyeed, waxaana walaac laga muujinayaa in Ra’isul wasaaraha uu dib usoo celsho Wasiiradii hore ee Xukuumada Cumar C/rashiid.

Xubnaha ololaha ugu jira kamid noqoshada Golaha Wasiirada ayaa waxaa kamid ah Wasiiro hore kuwaa oo garan muuqda ka helaaya Madaxweynihii hore ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu wato ilaa Seddex mas’uul oo ka tirsan Xukuumada sida KMG ah usii heysa xilka kuwaa oo qorshuhu yahay in lagu soo daro Golaha cusub ee uu dhawaan ku dhawaaqi doono Ra’isul wasaare Kheyre.

Ra’isul wasaare Kheyre oo culeysyo badan kala kulmaaya Madaxdii hore, ayaa waxaa la hadal hayaa inuu ku hingoobi doono mudnaanta lasiiyay haddii lagu helo qodobada soo socda:

1-Kheyre ayaa lumin doona Kalsoonida ay iminka ku qabaan Shacabka haddii Golaha la magacaabi doono ay kasoo dhexmuuqdan Wasiiradii horay ugu hingoobay shaqada qaran.

2-Xukuumada Kheyre waxa ay lamid noqon doontaa xukuumadihii hore haddii lagu soo biiriyo Wasiiro aan la socon halka ay iminka mareyso xaalada iyo Siyaasada Somalia.

3-Waxa uu kacdoon iyo mucaaridnimo kala kulmi doonaa shacbiga Soomaaliyeed haddii uu ka weecdo saami qeybsiga horay loo jideeyay.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa iminka beelaha Soomaaliyeed ku qancinaaya inay ka dhexmuuqan doonaan Golaha Wasiirada ee uu soo dhisaay taa oo u dhexeyn doonta ilaa 20 Wasiir iyo ku-xigeenadooda.

Caqabadaha ugu badan ee uu iminka la kulmaayo Kheyre ayaa ah in Wasaaradaha qaarkood ay ku dhagan yihiin qaar kamid ah Beelaha Soomaaliyeed, waxa ayna taa qarka ka tuureysaa rajadii laga qabay Xukuumada cusub, waa haddii Beelaha laga tira badan yahay aysan helin Wasaarado tayo leh, maadaama hal heeska Dowlada cusub uu noqday Isbedel lagu soo dabaalo dalka, si loo muujiyo sinaanta Beelaha Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa waxaa looga fadhiyaa in si siman uu u qanciyo Beelaha Soomaaliyeed ee dhowrkii sano ku hardamaayay awood qeybsiga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com