Kheyre oo nasiib darro aan la aqbali karin ku tilmaamay arrin marar badan dhacday

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlay xaaladda bini’aadninimo ee xilligan ka jirta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan iyo deegaanada ee gobalka Shabeellada Dhexe ee uu ku fatahay wabiga Shabeelle.

Shirkaas waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socday dalalka iyo hey’adaha deeqaha ka taageera Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Mareykanka, Jarmalka, Sweden, UK, Masar, Turkiga, Norway, Talyaaniga, EU, AMISOM iyo Baniga Adduunka.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo shrika qayb ka ahaa ayaa si faah-faahsan uga hadlay xaaladihaii u dambeeyay Hir-Shabeelle, gaar ahaan dhulka uu maro wabiga Shabeelle oo ay ugu horeyso magaalada Baledweyne, sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa soo jeediyay talooyin ku aaddan sida xal waara loogu heli karo khataraha ku aaddan fatahaad hor leh oo uu sameeyo wabiga Shabeelle .

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kulankaas ka hadlay ayaa ku baaqay gurmad deg deg ah lala gaaro dadka barakacay si looga hor tago in xaaladdu kasii darto.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri, “Dowladda oo la daalaa dhaceysa dhibaatada ka dhalatay cudurka Coronavirus ay haatan wajaheyso xaalad bini’aaninimo oo ka dhalatay wabiga Shabeelle oo kar-kaarrada jabdaday meelaha qaar, kaas oo baabi’iyay dhul beereed, guryo dumiyay, ganacsiyadii waaweyn saameeyay, kumannaan dad ahna barakiciyay. Daadadka Beledweyne waa kuwa soo laalabta, sanad kastana qasaare nafeed iyo mid hantiyadeed ayeyna geytaan.”

Kheyre ayaa nasiib darro ku tilmaamay in sanad kasta dadka Soomaaliyeed ay wajahaan dhibaatooyin lasii ogyahay, waxuuna ka qayb galayaasha shirka u sheegay in taageerada saaxiibada caalamku siiyaan Soomaaliya aan laga gaareyn ujeedadii horumarineed ee laga lahaa, inta daadadka iyo maamulka biyaha xal waara loo helayo.

Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in xal waara loo helo dhibaatada fatahaadaha iyo abaaraha, lana sameeyo qorshe lagu maareynayo biyaha, in loo gurmado dadka ka barakacay fatahaadaha uu wabigu ka geystay magaalada Beledweyne iyo tuulooyinka hoos taga Jowhar.