Shidaalka ay suuqgeyneyso Somalia ma ku jiraa midka ay KENYA sheeganeyso?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Bilooyin kadib Soomaaliya ayaa maalgashadayaasha dunida u bandhigeysa boqcado shidaal oo laga helay badda Soomaaliya sida ay sheegtay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta.

Qorshahaan maahan in durba shirkado lagala xaajoonayo shidaal qodista, balse ay tahay shaacin si loo helo cid dooneysa iney maalgashi ku sameyso shidaalkana soo saarto.

Waxaa idaacada adduunka la hadasha ee BBC-da qeybteeda Af-ka Soomaaliga la hadlay wasiirka Batroolka iyo Macdanta Injineer Cabdirashiid Maxamed Axmed kaas oo ka hadlay waxyaabo badan oo la xiriria shidaalka laga soo saarayo badda Soomaaliya.

Waxa ugu weyn ee su’aal la iska weydiiyay waxey aheyd haddii badda ay kula muransan yahiin Kenya ay ku jirto goobaha maalgashiga loo raadinayo, balse si cad ayuu u beeniyay wuxuuna sheegay ineysan ku jirin goobahaas.

“Waligeena horey uma soo bandhigin (xirmooyiinka lagu muransan yahay) hadana kuma jiraan”, ayuu yiri Mr Cabdirashiid.

Wasiirka wuxuu sheegay in xirmooyinka shidaal ee la helay ay ku yaalaan deegaanada Jubbaland iyo Galmudug, wuxuuna ka bilowdaa Kismaayo isagoo gaaraya ilaa Hobyo.