Kiisaska cudurka Covid-19 iyo dhimashada Somaliland oo maanta kor u kacay

Hargeysa (Caasimada Online) –  Xukuumada Somaliland ayaa maanta markale shaacisay inay kordheen Kiisaska cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19, iyada oo ay korodheyna dadka cudurkaasi ugu geeriyooday deegaanadeeda.

Wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa warbixinteedii maalinlaha aheyd ku sheegtay inay 24-kii saac ee u dambeeyay ay soo kordheen 14-kiis oo hor leh, kuwaasi oo ku kala nool magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.

Agaasimaha guud ee wasaarada, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo maanta warbaahinta la hadlayey, ayaa sheegay in kiisas kaas cusub ee la helay kala

yihiin laba iyo toban rag ah iyo laba dumar ah.

Agaasime Xergeeye ayaa sidoo kale shaaciyay in hal qof oo cusub u gudaha Somaliland ugu geeriyooday cudurkaasi, taasi oo tirada guud ee dhimashada ka dhigaysa 6-ruux.

Afar iyo tobanka kiis ee maanta ayaa Agaasimuhu ku sheegay inay da’doodu u dhaxayso labaatan jir illaa sideetan jir, dhammaantood ah muwaadiniin u dhashay Somaliland.

Kiisaska guud ee cudurka ee gudaha Somaliland ayaa gaadhay 68-kiis, halka ay bogsashaduna ay tahay 7-kiis, iyada oo 6-qof oo horleh ahna ay u geeriyoodeen cudurkaasi, inta ilaa hadda si rasmiya loo xaqiijiyey.