Maxaa ILHAAN CUMAR ku qasbay inay taageerto qorshaha urur Yahuudi ah?

Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Congress-ka Maraykanka ayaa wajaheysa cambaareyn xooggan kadib markii ay saxiixday warqad maamulka Trump ku boorineysa inuu kordhiyo cuneqabateynta hubka ee saaran Iran.

Warqadda, oo aan heysan sharciyad dhaqan-gal, ayaa waxaa saxiixay in ka badan 380 xubood oo Aqalka congress-ka ah.

Magaca Ilhaan ee warqadda ku sixiixan ayaa waxaa loo fahmay in ay xilligaan ka fallaagowday baqeedii hore ee ahaa in la qaado cuneqabateynta ka dhanka ah Iran.

Waxa carada ka dhanka ah Ilhaan sii kordhinaya ayaa ah in warqadda uu gadaal ka riixayo guddiga udooda Yahuudda ee AIPAC ayna ka turjumeyso ajandihiisa sharci-dejinta. Sidoo kale waxaa warqadda soo qoray gudoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Congres-ka Eliot Engel iyo Michael McCaul kuwas oo labadoodu safka hore uga jira marka ay timaado siyaasadda ka dhanka ah Iran.

“Waxaan u malaynayaa in ay ogolaatay in lala xisaabtamo dadkuna ay muujiyaan sida ay uga niyad jabsanyihiin tallaabada ay qaaday, gaar ahaan kweena naftooda ka hormariyay sanadkii hore taageeradeedana ku bixiyay kharashkooda,” ayuu yiri Jinan Shbat oo ka tirsan ururka loo soo gabiyo ADC.

Cambaareynta Ilhaan

Carada ayaa billaabatay kadib maqaal ay daabacday jariidadda Al-Monitor oo markii ugu horreysay baahisay saxiixa Ilhaan Cumar. Waxaa sidoo kale wariyay Electronic Intifada, Fox News iyo warbaahinta Israel.

Guddiga ka hortagga dagaallada, oo degan gobolka laga soo doorto Ilhaan Cumar ee Minnesota, ayaa ku baqay in ay warqadda ka saarto saxiixeeda, islamarkaana waxay dalbadeen in ay la kulmaan si arrinta ugla hadlaan.

“Hadda ka hor, waxaan u malayneynay in aan fahannay aragtidaada, laakiin hada waxaan ka walaacsannahay in aad siyaasadaada ka tanaasuleyso si laguugu fahmo in aad dhex-dhexaad tahay, kuna biirtay kuwa u codeeya Yahuudda,” ayuu ururk ku sheegay war uu soo saaray.

Marcus Montgomery oo ka tirsan xarunta carbeed ee Washington DC ayaa sheegay in lagu jah-wareeray sababtaIlhaan Cumar ay sharciyad u siineyso warqada. Waxa uu hadalkiisa ku daray in Ilhaan ay cod fur-duran u ahayd doodda ka dhanka ah cune-qabateynta Iran.

Horraantii sanadkaan, Ilhaan Cumar wxaa ay ka mid ahayd, sharcidejiyeyashii ugu horreeyay ee ku baaqay in cune-qabateynta laga qaado Iran, si loogu ogolaado Jamhuuriyada Islaamiga ah in ay la tacasho Coronavirus.

“Hadana waxaa ay sixiixday warqad tageereysa siyaasadda maamulka. Waxaan ula jeedaa warqaddu waxay si faah-faahsan uga hadleysaa dhammaan qaybaha hubka cuneqabaeynta la saarayo iyo “dhaq-dhaqaaqyadda xun ee Iran” ayuu Montgomery u sheegay Middle East Eye.

Cali Abunimah, oo wax ka aasaasay warbaahinta Electronic Intifada, ayaa dib uga riixay ilhaan weerada ka dhanka ah, inkastoo uu tilmamay in go’an xun ay ahayd in ay warqada saxiixdo.

“Qaar ka mid ah fal-celinta aan arkayay waxay ahaayeen in la gatay ama ay maamuleen dadka kasoo horjeeda iyo wax la mid aha” ayuu yiri Cali Abunimah. Waxaa uu hadalkiisa ku daray “waa inaan cambareyno khaladkeeda, laakiin aan dhiiri gelino shaqada wanaagsan ee ay qabatay.”

Kala qaybinta taageerayaasheeda

Ahmed Bedier oo u ololeya siyaasadda muslimiinta ee Maraykanka ayaa sheegay in ururka yahuudda u dooda ee AIPAC iyo warbaahinta garabka midig ay isku dayayaan in arrinta ka faa’iideystaan.

“Waxay dhab ahaantii doonayaan in ay taagerayaasheeda kala qaybiyaan,” ayuu u sheegay wargeyska Middle East Monitor.

“Wax walba oo ka dhan ah Ilhaan, waa ay tageeri doonaan, xitaa haddii ay cadowgooda ka imaaneeyso,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Bilo ka hor urur ku xiran Isreal ayaa bilaabay xayaysiin is bar-bar dhigeeysa Ilhaan Cumar, Rashida Tlaib iyo Betty McCollum iyo ururka Daacish.

Ma laga yaabaa in Ilhaan Cumar ugu dambeyn u hoggaansantay cadaadiska Yahuudda?