Kiisaska CORONAVIRUS ee Somalia oo ku dhow 1,300

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa galabta soo bandhitay tirada dad hor leh oo laga helay cudurka Coronavirus.

Warbixinta wasaaradda ayaa lagu sheegay 24-kii saac ee u dambeeyay gudaha dalka laga diiwaan geliyay 65 qofood oo qaba COVID-19.

Tirada ugu badan ee dadkaas ayaa laga diiwaan geliyay deegaanada Koonfur Galbeed, waxaana laga helay 24- kiis, Somaliland ayaa laga diiwaan geliyay 14 xaaladood, Banaadir ayaa laga helay 13-kiis,

Puntland 13-kiis, halka Jubbaland laga helay hal kiis oo COVID-19 ah.

Hal qof ayaa lagu sheegay warbixinta wasaaradda inuu u dhintay xanuunkaas, halka shan qofoodna ay kasoo bogsadeen.

41 kamid ah dadkaas waa rag, halka 24-ka kale ay dumar yihiin.

Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 1,284, bogsashada guud ayaa gaartay 135, halka dhimashada uu sababay xanuunkan ay gaartay 53 qofood, inta la ogyahay.