Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerar argagixiso oo maanta Talaado ah ka dhacay gudaha magaalada Dimishiq ee caasmadda dalka Suuriya.
Weerarka oo qaraxyo loo adeegsaday ayaa ka dhacay meel aan ka fogeyn hoteelka Four Seasons oo uu degay Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron oo haatan booqashadii u horreysay ku jooga Dimishiq. Qaraxyada oo laba ahaa ayaa la sheegay inay u muuqdaan kuwa la dhigay goobaha ay ka dhaceen, waxaana Macron xilligaas uu ku sugnaa madaxtooyada Suuriya, oo uu wadahadallo kula lahaa madaxweyne Axmed Sharac, sida ay ku warrantay wakaaladda AP.
Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay ka xuntahay weerarka oo dhaliyay khasaare kala duwan, iyada oo tacsi u dirtay dhammaan dhibanayaasha iyo dadka uu saameeyay weerarka.
Soomaaliya ayaa sheegtay inay si cad uga soo horjeedo weerarrada noocaan oo kale ah, waxayna tilmaamtay inay taageereyso dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaalamayo argagixisada.
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa weerarkii argagixisanimo ee lala beegsaday caasimadda Suuriya ee Dimishiq. Dowladda Soomaaliya waxay si cad u diiddan tahay argagixisada iyo xagjirnimada rabshadaha ku dhisan nooc kasta iyo muuqaal kasta oo ay yeeshaan, iyadoo mar kale adkaynaysa sida ay uga go’an tahay taageeridda dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo horumarinta nabadda, amniga iyo xasilloonida,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in xilligan adag ay garab taagan tahay dowladda Suuriya, iyada oo mar kale xaqiijisay taageeradeeda ku aadan amniga iyo xasiloonida dalkaasi.
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa garab istaaggeeda buuxa oo ay la garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Carabta Suuriya, waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa dhammaan dhibbanayaasha iyo dadka uu saameeyay weerarkaan argagixisanimo, waxayna u rajaynaysaa dhaawacyada in alle siiyo caafimaad degdeg ah,” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Sidoo kale, waxay ay Dowladda Soomaaliya ku baaqday in sharciga la horkeeno dhammaan kuwii ka dambeeyay weerarkaasi.


